Codsashada dib ula midoobista qoyska

Haddii magangalyo lagaa siiyo Sweden, aadna kala fogaateen qoyskaaga, waxaad codsan kartaa dib ula midoobista qoyska si qoyskaagu kuugu yimaadaan Sweden, ayada oo la raacayo shuruudo gaar ah.

Waxaad akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan dib ula midoobista qoyska ka ogaan kartaa websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden, oo aad ku heli karto luuqado badan.

Majiraan shuruudo dhanka dakhliga ah?

Haddii aad doonayso inaad dib ula midowdo qoyska gudaha Sweden, waxaa jiri kara shuruudo lagaa rabo inaad bixiso kaalmada dhaqaale ee qoyskaaga iyo guriyaynta oo leh heer gaar ah. Arintaan waxaa loogu yeeraa ‘shuruudaha daryeelka’.

Haddii aqoonsi qoxootinimo lagaa siiyo Sweden aadna doonayso inaad qoyskaaga dib ula midowdo, waxaa shuruudda daryeelka lagaa dhaafayaa 3 bilood laga bilaabo taariikhda markii aad heshay go’aankaaga. fadlan ogsoonow in ay lamid tahay haddii aad tahay qoxooti dib u dajin loo sameeyay.

Haddii lagu siiyo magangalyo aan buuxin gudaha Sweden aadna doonayso inaad qoyskaaga dib ula midowdo, shuruudaha daryeelka waa lagaa rabaa.


Yaan dib ula midoobi karaa?

Waxaa suurtagal ah xaaskaaga, saaxiibka kugu qoran ama kula dagan, iyo sidoo kale caruurta 18 sanno ka yar inay kula soo dagaan Sweden. Haddii codsigaaga dib ula midoobista qoyska lagaa aqbalo, waxada u baahan tahay inaad diyaarsato aadna bixiso lacagta safarka xubnahaaga qoyska si ay Sweden u yimaadaan. Qaar kamid ah ururada ama mashaariic ayaa awooda inay ku caawiyaan, sida Miles4Migrants. Wixii macluumaad dheeraad ah ka hel websaytka Miles4Migrants.

Xaaladaha gaarka ah, xubnaha kale ee qoyskaaga dhow oo kugula noolaa dalkaagii si buuxdana kuugu tiirsanaa ayaa kuu imaan kara si ay kuula dagaan Sweden.

Racfaan ma ka qaadan karaa haddii codsigayga dib ula midoobista qoyska la iga diido?

Haddii codsigaaga dib ula midoobista qoyska ay kaa diido Hay’addaSocdaalka Sweden, waxaad xaq u leedahay inaad racfaan usoo gudbiso Maxkamadda Socdaalka.

Ogsoonow in racfaanka sida caadiga ah ay shardi tahay in lagus soo gudbiyo 3 todobaad gudahood kaddib markii aad hesho waraaqda ka socota Hay’adda Socdaalka Sweden taasoo uu ku qoran yahay go’aanka codsigaaga dib ula midoobista qoyska. Waraaqdaanu waxay ku tusaysaa inta uu le’egyahay wakhtiga aad racfaanka kaga qaadanayso go’aanka.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan qaabka racfaanka looga qaato go’aanka diidmada ah websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden, oo aad ku heli karto Ingiriisi iyo Swedish.


Halkaan ka heli karaa kaalmo ku saabsan hannaanka dib ula midoobista qoyska?

Si aad u hesho talo bixin sharci ah oo ku saabsan dib ula midoobista qoyska, waxaan kugula talinaynaa inaad la xiriirto saaxiibadeena, xarunta Sharciga Qoxootiga Sweden ama Laanqayrta Cas ee Sweden, kuwaas oo awood u leh inay ku siiyaan talo bixin sharci bilaash ah kuna saabsan kiiskaaga.

Gudaha Sweden, UNHCR waxay saraakiisha qarabka ka taageeraysaa meelmarinta waajibaadkooda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Yurub. UNHCR qayb kama ahan nidaamka dib u midoobista qoyska ee Sweden. Nidaamka Sweden waxaa mas’uul ka ah Hay’adda Socdaalka Sweden.


Macluumaadka la xiriira