Marka aad magangalyo ka codsato Sweden waxaad, inta badan, heli doontaa qareen kaasoo bilaash ah waxaana ku siinasa Dowladda.
Haddii aadan xaq u lahayn in Dowladdu qareen ku siiso, waxaad la xiriiri kartaa Xarunta Sharciga Qoxootinimada Sweden taasoo awood u leh inay kaalmo dhanka sharciga ah kaa siiso kiiskaaga.
Inta lagu jiro nidaamka magangalyada, haddii aad u baahato tarjumaan, Hay’adda Socdaalka Sweden waa inay ku siisaa tarjumaan.