Fadlan ogsoonow in ay waajib kugu tahay inaad ku sugan tahay gudaha dhulka Sweden, ama bar xaduudeed (garoon diyaaradeed, bar xaduudeed dhulka ama badda ah) kahor inta aadan magangalyo ka dalban Sweden.
Haddii aad ka baqayso inaad dalkaagii ku laabato ama dalkii aad hadda ku noolayd ayada oo ay sabab u tahay cabsi dhab ah oo ku saaban dhibaatooyin, xukun cadaalad darro ah, dagaal ama aad khatar ugu jirto inay wadankaas kaasoo gaarto waxyeelo weyn, waxaad magangalyo ka codsan kartaa Sweden. Tallaabada ugu horeysa ee aad magangalyo caalami ah ku heli karto waa inaad magangalyo dalbataa.
Dhammaanba arrimaha khuseeya magangalyada waxaa maamula saraakiisha Sweden si waafaqsan shuruucda iyo xeerraka wadanka waxaana fulinaya saraakiil qaran oo howlkar ah una tababaran kuna takhasusay arrimaha magangalyada.
UNHCR shaqo kuma lahan nidaamka codsiyada magangalyada ee Sweden.