Waxyaabaha ku saabsan UNHCR ta Sweden

Dhammaanba macluumaadka iyo adeegyada ay bixiso UNHCR iyo saaxiibadeenu waa u LACAG LA’AAN dadka haysta magangalyada kumeelgaarka ah, magangalyo doonka ah, Qoxootiga, kuwa haysta magangalyada aan buuxin iyo shakhsiyaadka aan dalka lahayn.

UNHCR, oo ah Hay’adda Qoxootiga ee Qaramada Midoobay, waxay ilaalisaa dadka lagu khasbay in ay guryahooda ka qaxaan ayada oo ay sabab u yihiin dhibaatayn iyo xukunno xaq darro ah. Waxaanu badbaadinaa nafaf, waxaan ilaalinaa xaquuqaha waxaana gacan ka gaysanaa sidii mustaqbal wanaagsan loo dhisi lahaa.

Gudaha Sweden, UNHCR waxay saraakiisha qaranka ka taageeraysaa fulinta waajibaadkooda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Yurub. UNHCR qayb kama ahan nidaamka magangalyada ee Sweden. Nidaamka magangalyada ee Sweden waxaa mas’uulka ah Hay’adda Socdaalka Sweden.

UNHCR ta Sweden waxay qayb ka tahay Wakiilka UNCHR ee dalalka Nordic iyo Baltic, taasoo xaruntoodu tahay Stockholm (Sweden).

La xiriir UNHCR

Haddii aadan ka helin macluumaadkii aad raadinaysay websaytkaan ‘HELP’, fadlan waad u fasaxan tahay inaad nagula soo xiriirto teleefoonka ama iimaylka:

Teleefoonka:  📞+46 10 10 12 800 (Maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha, 10.00-12.00 xiliga Stockholm)

Iimayl:  📧 [email protected]

Haddii aadan ku hadlin Ingiriisi ama Swedish toona:

Inkasta oo aan wicitaanada uga jawaabi karno Ingiriisi ama Swedish, waxaad iimayl noogu soo diri kartaa luuqadda aad rabto adiga oo sharaxaya xaaladdaada waana kuu soo jawaabi doonnaa. Jawaabteenu waxay inta badan ku qornaan doontaa Ingiriisi, laakiin waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad adeegsato Google Translate haddii aad dhibaato ku qabto fahamka ama inaad noo soo dirto iimayl kale adiga oo faahfaahin na weydiinaya.


Macluumaadka la xiriira