Dib Udejintu

Dib-u-dejintu waa xalka ku lug leh xulashada iyo ka wareejinta qaxootiga nugul ee waddan magangelyo ah una wareejinayo waddan kale oo oggolaaday in loo oggolaado – qaxooti ahaan – ilaalin, gargaar, iyo deganaansho rasmi ah.

Dib udajintu xaq maahan, qaxootiguna ma codsan karo dib udejin. Qaxootiga looma tixgaliyo dib udajin iyadoo lagu saleynayo inta ay Soomaaliya joogeen.

Sannad kasta, waddamada dib-u-dejintu waxay go’aansadaan sida ay ugu qoondeyn doonaan meelo dib-u-dejin ah malaayiin qaxooti ah oo adduunka oo dhan ku nool. UNHCR waxay tixgelin kartaa oo keliya kiisaska ku jira xaddidan. Nasiib darrose, Soomaaliya ma lahayn goobo dib-u-dejin loo qoondeeyo sidaa darteedna waxay dib u dejin kartaa tiro aad u tiro yar oo kiisas ah kuwaas oo leh baahiyaha degdegga ah iyo kuwa u nugul ee ilaalinta degdegga ah.

Haddii kiiskaaga loo xushay tixgelinta dib-u-dejinta, UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta.

Maya. Dib-u-dejintu maahan xaq oo maxaa yeelay meelaha dib udejintu way xadidanyihiin shuruudaha xulashaduna waxay kuxiranyihiin wadamada dib udajinta, ma dooran kartid wadanka aad jeceshahay in dib udejin lagaa siiyo.

Adiga ayaa kugu wargalin doona UNHCR waxaana lagugu casuumi doonaa wareysi.

Maya, waa inaad sii wadataa howlahaaga caadiga ah maadaama aysan jirin wax damaanad ah in dib laguu dejin doono. Sidoo kale, geeddi-socodka laftiisu wuu dheeraan karaa wuxuuna qaadan karaa bilo ama sannado.

Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu waa lacag la’aan. Waa inaadan lacag ku bixin adeeg kasta, oo ay kujirto dib udejinta.

Inta lagu guda jiro wareysiga dib udejinta, waxaa lagu weydiin doonaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan xaaladaada si aad uga caawiso UNHCR inay faham buuxa ka hesho xaaladaha kiiskaaga. Fadlan soo qaado aqoonsi kasta oo khuseeya, socdaal, ama dukumiintiyo kale oo aad yeelan karto. Fadlan ogow, in xaqiiqda ah in lagu wareystay aysan damaanad qaadaynin in dib laguu dejiyo.

UNHCR waxay si gooni gooni ah wareysiga ula yeelaneysaa qof kasta oo qaangaar ah oo codsada qaxootiga ah. Wareysiga waxaa lagu qaadayaa luuqada uu doorbido codsadaha qaxootiga sidoo kale, isagu / iyadu waxay sheegi kartaa doorbidida turjubaanka ama jinsiga turjubaanka iyo luqadda tarjumaadda.

Waa inaad u sheegta UNHCR wixii ku saabsan isbadalada sida ugu dhaqsaha badan

In kasta oo UNHCR ay u aqoonsanayso qaxootiga tixgelinta dib udejinta iyo wareysiga iyaga si loo qiimeeyo xaq u yeelashadooda dib udejinta, go’aanka ugu dambeeya ee qaabilaada qaxootiga ee dib udejinta waxaa iska leh wadamada dib udajinta oo ma ahan UNHCR.

Nidaamka dib udejinta oo dhan waa mid adag oo qaadanaya waqti dheer. Kiisaska kaladuwan sidoo kale waxaa looga shaqeeyaa waqtiyo kaladuwan iyadoo kuxiran arrimo badan. Qaxootiga kiisaskooda loo gudbiyay dib udejin waa inay dulqaad muujiyaan inta kiiska la guda galayo. Waxay noqon kartaa hal ilaa laba sano, ama mararka qaar intaas ka dheer, go’aanka kama dambaysta ah iyo u bixitaanka waddanka dib-u-dejinta. Maaddaama Soomaaliya aysan hadda qoondeynin meelo dib u dejin loo sameeyo, waxaa keliya oo dib u dajin lagu sameyn karaa kiisaska ugu baahida degdegga badan ee ilaalinta iyo dayacanka.

Haddii dacwadaada ay diido wadan dib udejin ah, waa lagugu wargalin doonaa, kiiskaaga dib udejinta ayaa la xiri doonaa. Tani, si kastaba ha noqotee, macnaheedu maahan bedelida sharcigaaga qaxootinimo. Waxaad sii wadi doontaa inaad ka hesho hay’adaha UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda ilaalinta caalamiga ah iyo gargaarka.

Haa. Markaad dib uga noqoto kiiskaaga, UNHCR waxay xireysaa kiiskaaga dib udejinta lagumana sii wadi doono dib udejinta.

UNHCR ma damaanad qaadi karto dib udejinta xubnaha qoyskaaga oo laga yaabo inaan lagu darin kiiskaagii hore ee dib udejinta. Waxay kuxirantahay wadamada dib udajinta sharciyadooda iyo go’aanka hadii ay kadib kugubiiri karaan iyo inkale. Sababtaas awgeed, aad ayey muhiim u tahay inaad u sheegto UNHCR dhammaan xubnaha qoyska, oo ay ku jiraan kuwa kula jooga Soomaaliya iyo kuwa ku sii jooga waddankaagii hooyo, inta lagu jiro wareysigaaga dib-u-dejinta.

Haa. Dib udajinta waxay ku saleysan tahay rajada inaad kaheleyso sharci rasmi ah wadanka dib udajinta waxaadnaheli doontaa xuquuq sida kuwa muwaadiniinta ku naaloonayaan.

Haa. Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu waa lacag la’aan. Waa inaadan lacag ku bixin adeeg kasta, oo ay kujirto dib udejinta.