Haddii aad tahay qoxooti Ukraine ka yimid oo Finland ku sugan, booqo websaytka Hay’adda Socdaalka Finland kaasoo uu kujiro macluumaad muhiim ah oo ku qoran luuqadaha Finnish, Swedish, Ingiriisi ama Ukraine ama ka wac Hay’adda Socdaalka Finland 📞 +358 295 790 605.
Dadka ka imaanaya Ukraine waxay xaq u yeelan karaan inay magangalyo kumeelgaar ah ka helaan Finland. Waxaad xaq u yeelanaysaa inaad magangalyo kumeelgaar ah ka hesho Finland haddii aad:
- Tahay muwaadin reer Ukraine ah kaasoo ku noolaan jiray Ukraine laguuguna khasbay inaad dalka ka qaxdo wax yar ka hor 24-kii Febraayo 2022 ama kadib
- Aad magangalyo caalami ah ka haysato Ukraine
- Tahay qof degenansho rasmi ah Ukraine ka haysta oo aan ku laaban karin waddankii uu ka yimid
- Muwaadiniinta reer Ukraine ee horey ugu noolaa ama u joogay Finland
- Muwaadiniinta dalka sadexaad ama dadyowga bilaa dalka ah kuwaas oo si sharci ah ku daganaa (ay kujirto mudada gaaban) Ukraine aanna ku laaban karin dalkoodii hooyo
- Xubin ka tirsan qoyska mid kasta oo kamid ah dadka kor ku xusan
Marka la eego shuruucda Finland, shakhsiyaadka soo socda waxaa loo arkaa “xubnaha qoyska”:
- xaas ama lammaane
- canug aan qaangaarin oo aan guursan
Waxaa go’aanka la gaarayaa todobaad gudihiis marka codsiga lasoo gudbiyo kaddib. Marka xaaladdaas la eego, waxaa lagu siin doonaa go’aan kuu ogolaanaya magangalyo kumeelgaar ah, taasoo aad u isticmaali karto caddaynta aqoonsigaaga. Waxaa go’aanka laguugu soo gaarsiin doonaa iimayl ahaan. 14 maalmood gudahood kadib marka aad hesho go’aanka aqbalaadda, waxaad kaarkaaga degenaanshaha ku heli doontaa iimaylka. Ogolaanshaha degenaanshaha ee magangalyada kumeelgaarka ah wuxuu shaqaynayaa ilaa 4-ta Maarso 2023.
Wixii macluumaad dheerada ah oo ku saabsan waxa laga wado magangalyada kumeelgaarka ah iyo magangalyada caalamiga ah, halka aad ka cosan karto magangalyada kumeelgaarka ah iyo xaquuqaha dadka ka haysta magangalyada kumeelgaarka ah Finland, fadlan codso websaytka Hay’adda Socdaalka Finland oo uu kujiro macluumaad ku qoran luuqadaha Finnish, Ukrainian, Ingiriisi iyo Swedish. Waxaad ka dooran kartaa mid kamid ah luuqadahaan xagga sare ee websaytka.
Haddii ada tahay qoxooti ka socda Ukraine oo jooga wadamo kale, ka dooro dalkaaga aad danaynayso liiska Barta Help ee UNHCR iyo/ama booqo Digital Blue Dot.
Dadka aan xaqa u lahayn Magangalyada Kumeelgaarka ah
Haddii aadan xaq u lahayn magangalyada kumeelgaarka ah, waxaa suurtagal kuu ah inaad codsato magangalyo ama aad Finland kusii joogto sharciyo kale, xaataa haddii aan fiiso lagaaga baahnayn ama fiisuhu kaa dhacay. Halkaan ayaad ka heli kartaa qaabka aad u codsan karto magangalyada.