Sidee loo soo gudbiyaa been abuurka iyo ficilada anshaxa xun?

Fadlan xasuusnow: Dhammaanba adeegyada UNHCR iyo howlaheedu waa bilaash. Majirto meel laguugu weydiinayo inaad lacag ku bixiso adeegyada ay UNHCR bixiso ama mid kamid ah saaxiibadeeda. Fadlan ka digtoonow dhaqamada been abuurka ah hana aaminin qof walba oo kuu sheegaya in haddaad lacag siiso uu kaa caawin karo isdiiwaangalinta, dib u dajinta iwm.

Waa maxay ficilka anshaxa xun?

Qaramada Midoobay waxay ficilka guracan ku qeexaysaa “guuldarro kasta oo ka timaadda dhanka shaqaalaha taasoo ku saabsan u hogaansamidda waajibaadkiisa ama waajibaadkeeda si waafaqsan Cahdiga Qaramada Midoobay, Shuruucda iyo Xeerarka Shaqaalaha ama arrimaha kale ee maamulka, ama inuu ilaaliyo xeerarka habdhaqanka laga doonayo shaqaalaha caalamiga ah.”

Ficilka anshaxa xun waxaa kamid ah:

  • galmada xadgudubka ah iyo xadgudubka Qoxootiga ama dadka kale
  • been abuurka (tusaale ahaan, ka been sheegista dukumiinti si faa’iido looga helo)
  • musuqmaasuq (tusaale ahaan, in lacag laga qaato Qoxootiga ama dadka kale)
  • Xatooyada iyo tuugada (tusaale xatooyada qalabka ama lacagta).
  • xadgudubka ka dhaca goobta shaqada (tusaale in xubnaha shaqaalaha loola dhaqmo qaab aan cadaalad ahayn).
  • Xadgudubka galmada (tusaale habdhaqan galmo oo uusan qofku raali ka ahayn).
  • Si xun u adeegsiga awoodda (tusaale in shaqaalaha laga eexdo ama la midab takooro).
  • Dhibaatayn ama handadaad qofka loo gaysto.
  • Si khaldan u adeegsiga hantida UNHCR.
  • Ku xadgudbidda xogta sirta ah.
  • Ficilada ama habdhaqanada sharaf darrada keenaya UNCHR.
  • U hogaansamid la’aanta shuruucda maxaliga ah.
  • Danaha iska soo horjeeda.
  • Si xun u adeegsiga mansabka iyo awoodda.
  • Dayacaad guud.

Waa maxay been abuurku?

Been abuurku waa ficil looga danleeyahay in si ulakac ah loo marin habaabiyo qof kale si dano looga helo.

Ha aaminin qof kasta ama urur kasta oo ku weydiinaya inaad lacag ku bixiso adeegyada UNHCR ama saaxiibadeda. Haddii lacagta ama qaababka kale ee danaysiga ah, oo ay kujirto nooc galmo, lagaa codsado, waa inaad usoo gudbisaa UNHCR iyo/ama xarunta booliska ee kuugu dhow.

La soco in adeeg kasta oo ay UNHCR ku siiso ayada oo lacag lagaaga badalanayo waa been abuur. Si aad u hesho macluumaadka saxda ah ee shaqada iyo adeegyada UNHCR, fadlan ka raadso websaytka Help ee UNHCR.

Waa maxay xadgudubka iyo dhibaataynta galmada?

Shaqaalaha howlaha bili’aadantinimada looma ogola inay xiriir galmo la yeesho qof da’diisu ka yartahay 18 sanno, xataa hadday sharci ka tahay wadankiisa. In uu qofku yiraahdo ma ogayn da’da saxda ah ee qofka ma ahan marmarsiiyo sax ah.

  • Shaqaalaha arrimaha bili’aadanimada looma ogola inay lacag ku baxshaan galmada, shaqaalaysiinta, badeecadaha ama adeegyada – oo ay kujiraan badeecadaha iyo adeegyada loogu tala galay in lagu caawiyo dadka baahan. Waa inaysan adeegsan balanqaadyada waxyaabahaan si dadka kale looga dhigo inay aqbalaan nooc kasta oo habdhaqan ah kaasoo bahdilayo ama xadgudub ku ah. Arintaan waxaa kamid ah in qof jirkiisa ka ganacsada lacag lagu bixiyo ama galmo looga badasho.
  • Shaqaalaha arrimaha bili’aadantinimadu waxay saamayn ku leeyihiin cidda helaysa badeecadaha iyo adeegyada. Arintaani waxay siinaysaa awood ay kaga saraynayaan dadka u baahan kaalmada. Sababtaas darteed, ururada arrimaha bili’aadanimada ka shaqeeya waa inay si adag ugu dhiirigaliyaan shaqaalaha inaysan xiriir galmo la yeelan qof kasta oo kujira xaalad bili’aadantinimo oo degdeg ah.  Xiriirada noocaas ah ficilka bili’aadantinimada ka dhigayaan mid aan daacad ahayn oo aan hufnanyn.

Sidee ayaan usoo gudbinayaa been abuur, musuqmaasuq iyo ficilka anshaxa xun?

Soo gudbi kuwa been abuurka sameeya ee kuu soo bandhigaya dib u dajinta, dhaqaalaha ama noocyada kale ee kaalmada ah, dukumiintiyada been abuurka ah ama sheegashooyinka been abuurka ah ayada oo lacag lagu badalanayo ama dano kale.

Dalabyadaan waxaa laguugu soo bandhigi karaa si fool ka fool ah ama baraha bulshada, oo ay kujiraan Facebook, WhatsApp, Viber iyo Telegram.

Xasuusnow, adeegyada UNHCR inay mar kasta yihiin kuwo bilaash ah.

Haddii aad ogtahay, ama aad qabto walaacyo ama shakiyo ku saabsan, kiis dhici kara oo ah been abuur, musuqmaasuq, anshax xumo, ama xadgudub galmo oo uu gaysanayo xubin ka tirsan shaqaalaha UNHCR, UN, ama NGO, waxaad laa xiriiri kartaa Xaafiiska Kormeeraha Good ee UNHCR (IGO) kaasoo ku yaala Xarunta UNHCR:

➡️ Adiga oo u diraya iimayl sir ah: 📧 [email protected]

➡️ Adiga oo adeegsanaya foomka cabashada onleenka ah

➡️ Adiga oo boostada ugu diraaya: 94, rue de Montbrillant, Case postale 2500, 1211 Geneva, Switzerland

Fadlan ogsoonow in:

  • Haddii aad cabasho soo gudbiso inaysan sinna u saamaynayn kiiskaaga UNCHR yaala.
  • Cabashadu waxay noqonaysaa mid sir ah.
  • Cabashadaada, fadlan ku sheeg dhammaan xaqiiqooyinka iyo caddaymaha aad ogtahay.
  • Warbixintaada iyo dhammaanba macluumaadkaaga idin dhex mara UNHCR waxay ahaan doonaan kuwo sir ah.

Warbixintaada, waa inaad kusoo dartaa:

  • Waxa dhacay?
  • Si faahfaahsan aad u qeexdaa waxa aad ka ogtahay dhacdada ama dhacdooyinka.
  • Yaa ku kacay ficilka khaladka ah?
  • Ma ogtahay qof kale oo ku lug leh? Fadlan na sii magacyadooda oo buuxa, jagada shaqada ay hayaan iyo ururka ay ka tirsan yihiin, hadday suurtagal tahay.
  • Goorma iyo xagee ayay dhacdada ama dhacdooyinku ka dhaceen?
  • Fadlan kusoo dar taariikhaha iyo wakhtiyada, hadday suurtagal tahay.

Warbixintaadu waxay noqon doontaa mid gaar ah oo sir ah.


Wixii macluumaad intaan dheer ah:

Sidoo kale eeg

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta