Waxaan u baahanahay qareen iyo/ama tarjumaan kiiskayga igala shaqeeya

Kaalmada dhanka sharciga ah ee Qaranku bixiyo, taasoo micnaheedu yahay in aad hesho qareen ay Dowladdu kuu qabanayso, waa mid bilaash u ah dadka aan awoodda u lahayn inay iska bixiyaan qareen matala. Si aad u hesho kaalmada sharciga ah ee dowladda, waxada la xiriiri kartaa Xaafiiska Kaalmada Sharciga ah ee Dadweynaha ee kuugu dhow.

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Xarunta Talo bixinta Qoxootiga ee Finland taasoo laga yaabo inay ku siiso kaalmo sharci oo kiiskaagu helo.

Inta lagu jiro nidaamka magangalyada, haddii aad u baahato tarjumaan, Hay’adda Socdaalka Finland ayaa ku siinaysa tarjumaan.


<< Ku noqo Sida magangalyada looga codsado Finland

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta