Sida loo codsado magangalyada

Codsiga magangalyada waxaa laga soo gudbin karaa dhulka Finland dhexdiisa, ama bar xaduudeed (garoon diyaaradeed, bar xaduudeed dhulka ama badda ah). Waxadamagangalyada ka codsan kartaa ilaalada xadka ku sugan xaduud kasta oo ay Finland leedahay marka aad dalka soo galayso. Waxaad sidaa samayn kartaa haddii aadan haysan fiise sharci ah, dukumiinti safar ama ogolaanshaha degenaanshaha Finland.

Haddii aad joogto Finland aadna doonayso inaad codsato magangalyo, waa inaad Booliska u tagtaa. Waxaad halkaan ka helaysaa ciwaanada iyo saacadaha shaqada xarumaha booliska kuwaas oo aad ka codsan karto magangalyada Finland. Uma baahnid inaad ballan u qabsato sidii aad magangalyo u codsan lahayd.

Waxada sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan magangalyada caalamiga ah ee Finland ka heli kartaa Hay’adda Socdaalka Finland, kaasoo uu kujiro macluumaad ku qoran luuqadaha Finnish, Ingiriisi, iyo Swedish. Waxaad luuqadahaan midkood ka dooran kartaa qaybta sare ee websaytka.

Dhammaanba arrimaha khuseeya nidaamka magangalyada waxaa maamula saraakiisha Finland si waafaqsan shuruucda iyo nidaamyada dalka ayada oo ay qabanayaan saraakiil waddanku leeyahay oo howlkar ah tababarna haysta kuwaas oo ku takhasusay arrimaha magangalyada. UNHCR shaqo kuma lahan nidaamka codsashada magangalyada ee Finland.


<< Ku noqo Sida magangalyada looga codsado Finland

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta