Racfaan ma ka qaadan karaa go’aanka aan wanaagsanayn?

Haddii codsigaaga magangalyada la diido, waxaad xaq u leedahay inaad racfaan u gudbiso Maxkamadda Madaniga ah. Inta aad howshaan kujirto, iyo haddii aadan iska bixin karin lacagta qareenka, waxaad codsan kartaa oo kaalmo ka dalban kartaa Xaafiiska Deeqda dhanka Sharciga ah ee Dadweynaha ee kuugu dhow ama, mararka qaarkood, Xarunta Talo bixinta Qoxootiga ee Finland. Ogsoonow in racfaanka lagaaga baahan yahay inaad kusoo gudbiso 30 maalmood gudahood kadib marka go’aanka diidmada codsigaaga magangalyada lagu soo gaarsiiyo.

Maxkamadda Madaniga ah waxay midkood smaaynaysaa inay Hay’adda Socdaalka Finland farto inay go’aan cusub soo saarto ama inay ku raacdo go’aanka ay Hay’adda Socdaalka Finland ku diiday codsigaaga. Haddii Maxkamadda Madaniga ah ay ku raacdo go’aanka, waxaad wali codsan kartaa inaad racfaan xukunkaas ka dhan ah u qaadato Maxkamadda Sare ee Madaniga ah.

Ilaa Hay’adda Socdaalka ee Finland ama maxkamadaha Finland ay kaa gaarayaan go’aan, waxaad xaq u leedahay inaad Finland ku joogto aaqoonsiga magangalyo doonka ah.

Haddii racfaankaagu ka gudbi waayo marxaladahaas oo dhan, waxaad ku khasban tahay inaad Finland ka baxdo. Hay’adda Socdaalka Finland waxay bixisaa kaalmo loogu tala galay Kaalmada Dib u laabashada Mutadawacnimada ah iyo Dib ula qabsiga bulshada. Waad la xiriiri kartaa haddii aad u baahan tahay kaalmo aad ugu laabanayso wadankaagii hooyo adiga oo kala xiriiraya 📧 [email protected] ama u diraaya fariin WhatsApp ah 📞 +358 50 413 8625

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka magangalyada ee Finland, fadlan bookho websaytka Hay’adda Socdaalka Finland ayada oo macluumaadku ku qoranyahay luuqadaha Finnish, Ingiriisi iyo Swedish.


<< Ku noqo Sida magangalyada looga codsado Finland

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta