Waxaad la xiriiri kartaa NGO-yada ama hay’adaha kala duwan adiga oo u maraya hababka gaarka ah si aad u hesho noocyada kale ee caawimaadda iyo kaalmada, oo ay kujirto kaalmada dhanka maskaxda:
- Hadii aad ku fakarayso inaad isdisho ama aad ogtahay qof sidaas ku fakaraya, waxaad la xiriiri kartaa:
- Mind Självmordslinjen (Khadka Isdilka Mind) adiga oo garaacaya 📞 90101 (wuxuu furan yahay 24/7) ama kala xiriir bartooda wadahadalka ee onleenka ah (waxay furan tahay 24/7), oo lagu heli karo luuqadaha Ingiriisi iyo Swedish.
- Jourhavande medmänniska (Kasoo qaybgalaha wicitaanka) adiga oo garaacaya 📞 08-702 16 80 (habeen walba, 21.00-06.00) ama kala xiriiraya bartooda wadahadalka ee onleenka ah (Isniinta, Talaadada iyo Axadda, 21.00-24.00), oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga iyo Swedish.
- Si aad u hesho talo bixin caafimaad iyo macluumaad ku saabsan qaybta xaaladaha degdega ah ee caafimaadka dhimirka ee kuugu dhow ee Sweden, garaac 📞 1177 (wuxuu furan yahay 24/7), oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisi iyo Swedish.
- Si aad u hesho daryeel dhanka dhimirka iyo murugada ah oo ku saabsan geeri, murugo, welwel ama ku fakaridda isdilka, la xiriir Jourhavande präst (Baadariga khadka teleefoonka kujira) adiga oo garaacaya 📞 112 (habeen walba, 21.00-06.00) ama kala xiriir bartooda wadahadalka ee onleenka ah (maalin walba, 20.00-24.00), oo aad ku helayso luuqadaha Ingiriisiga iyo Swedish.
- Haddii aad ka yartahay 18 sanno ama aad taqaano qof ka yar una baahan kaalmo ama talo, la xiriir Bris – Barnens rätt i samhället (Xaquuqaha caruurta)adiga oo garaacaya 📞 116 111 (wuxuu furanyahay 24/7) ama kala xiriir bartooda wadahadalka onleenka ah (kaasoo furan 24/7), oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisi iyo Swedish
Haddii su’aashaadu khusayso macluumaadka websaytkaan ‘HELP’, waxaad nagala soo xiriiri kartaa.