Sweden waxay meesha ka saartay dhammaanba shuruudihii la xiriiray COVID-19 ee dhammaanba dadka safarka ah, xaataa haddii aan horey lagaaga baarin, aadan kasoo bogsoon ama aan lagaa talaalin COVID-19.
Dhammaanba dadka degen Sweden (oo ay kujiraan Qoxootiga, maganggalyo doonka, iyo dadyowga aan ogolaanshaha degenaanshaha ka haysan Sweden) ayaa si bilaash ah looga talaali karaa COVID-19. Si aad waxyaabo badan oo ku saabsan talaalka COVID-19, si aad ula xiriirto barta tallaalka ee kuugu dhow iyo si aad u akhrido waxyaabo badan ee ku saabsan sida aad ballan tallaal u qabsato, fadlan booqo websaytka ama garaac 📞 117.
Macluumaadka rasmiga ah ee saraakiisha Sweden ee ku saabsan COVID-19 waxaa laga heli karaa websaytla rasmiga ah informationsverige.se, oo aad ku heli karto luuqado kala duwan.