Dadka magangalyo doonka ah waxay awoodi doonaan inay soo galaan Finland xataa haddii ana horey looga baarin, aysan kasoo bogsoon ama aan laga talaalin COVID-19.
Dhammaan dadka degen Finland (oo ay kujiraan Qoxootiga iyo magangalyo doonku) waxay heli karaan in si bilaash ah looga talaalo COVID-19 gudaha Finland. Waxaad ka qabsan kartaa ballanta talaalka ama macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan talaalka COVID-19 ka heli kartaa khadka teleefoonka adiga oo garaacaya 📞 116 117, ama waxaad eegi kartaa barta la iska talaalo ee kuugu dhow ee magaaladaada.
Wixii macluumaad ah oo rasmi ah, fadlan ka eeg websaytka Machadka Caafimaadka iyo Daryeelka ee Finland, adiga oo ku helaya luuqadaha Finnish, Swedish iyo Ingiriisi.