Waxaad hay’ado badan oo aan dowli ahayn ama hay’ado kale kala xiriiri kartaa khadadka gaarka ah si aad u hesho kaalmo iyo caawimaad qaab kale ah:
- Haddii aad ku fakarayso inaad isdisho ama aad taqaano qof ku fakaraya, la xiriir
112 si laguu caawiyo si dhakhso ah.
- Waxyaabaha ku saabsan daryeelka dareenka shucuureed iyo murugada ee ku saabsan ka baqista dhimashada, murugada, welwelka ama ku fakarista isdilka, la xiriir Khadka Caawimaadda Dhibaatooyinka Qaranka adiga oo garaacaya
09 2525 0111 (wuxuu furan yahay 24/7).
- Haddii aad ka yartahay 18 sanno ama aad taqaano qof ka yar una baahan kaalmo iyo talo, la xiriir Lasten ja Nuorten Puheliun adiga oo garaacaya
116 111 (wuxuu furan yahay isniinta–jimcaha 14–20 iyo sabtida–axadda saacadaha 17–20) ama kala xiriir khadkooda wada
hadalka onleenka ah (wuxuu furan yahay maalin walba inta u dhexaysa 17-20).
- Haddii uu kugu dhacay ama uu hadda ku haysto xadgudub dhanka jirka, maskaxda, dhaqaalaha ama galmada ah, la xiriir Khadka Caawimaadad Dhibaatooyinka ee Qaranka adiga oo garaacaya
09 2525 0111 (wuxuu furan yahay 24/7).