Digniinta ku saabsan khataraha kala gudbinta dadka ee sharci darrada ah

Haddii aad ka badbaaday kala gudbinta dadka ee sharci darrada ah, ama aad ka shakisan tahay inay qof kale ku dhacday, waa inaad la xiriir booliska Finland adiga oo kala xiriiraya lambarka teleefoonka xaaladaha degdega ah (garaac 📞 112). Wicitaan kasta oo aad booliska la samayso wuxuu ahaanayaa mid qarsoodi ah.

Dad fara badan ayaa doonaya inay kaa caawiyaan safarkaaga kadib marka aad timaaddo Finland. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu ma ahan in qof walba uu yahay waxa uu kuu sheeganayo; dadka qaar ayaa doonaya inay kaaga faa’iidaystaan xaalada aad kujirto.

Tusaale ahaan, waxaa dhici karta inay kuu ballan qadaaan meel aad degto, gaadiid, ama cunto bilaash ah arintaana ay u isticmaalaan inay kugu cadaadiyaan falal galmo, shaqooyin ama adeegyo kale oo aadan kula heshiin. Kuwo kale ayaa laga yaabaa inay doonayaan inay ku waxyeeleeyaan ama ay kaa qaataan dukumiintiyadaada ama agabyadaada.

Fadlan eeg muuqaalka macluumaadka ah ee UNHCR ee ku saabsan “Sida la isu badbaadiyo”:

Muuqaalka waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha Ukrain iyo Ruush.

Waa maxay tahriibinta sharci darrada ah ee dadku?

Tahriibinta sharci darrada ah ee dadku waxay dhacdaa markii qofka lagu siro, lagu dabo ama lagu khayaamo si looga faa’iidaysto danta ama ribixa gaarka ah ee qof kale.

Waa fal danbiyeed waxayna noqon kartaa qaabab kala duwan, sida:

  • xad gudub galmo
  • ku shaqaysi xoog ah
  • ku qafaalashada guriga
  • gumaysiga ama dhaqamada lamidka ah
  • xadgudubyada jinsiga ah
  • dawarsiga la isku khasbo ama fal danbiyeedka.

Haddii aad raadinayso gaadiid aad ku safarto:

Waxaa jira tilmaamo aad raaci karto si aad naftaada iyo qoyskaagaba u badbaadiso. Tusaale ahaan, ka digtoonow haddii qof:

  • ku weydiiyo baasaboorkaaga ama dukumiintiyadaada kale ee aqoonsi (marka laga tago hay’adaha dowliga ah, tusaale baraha hubinta ee xaduudaha);
  • uu ku weydiinayo teleefonkaaga, laabtoobkaaga ama hababka kale ee lagu wada xiriiro;
  • uu doonayo inuu kaa dhex saaro qoyskaaga ama dadka kale ee aad la safrayso;
  • uu kuu soo bandhigayo shaqo aad u wanaagsan hadday dhab tahay;
  • uu kugu cadaadinayo inaad u qabato shaqo, adeegyo ama galmo (ay kujiraan inuu kaa bixinayo ‘daymaha’);
  • uu ku siinayo kaalmo – sida cunto – asaga oo shardi kaaga dhigaya inaad u samayso ‘adeegyo’ gaar ah;
  • uu kaa ballan qaadayo inuu kaa caawinayo in lagu diiwaangaliyo, goob kale laguu qaado ama dib u dajin lagaaga sameeyo dal kale taasoo uu kaaga dhaafasanayo inaad lacag siiso (marka laga reebo kharashaadka safarka ee caadiga ah);
  • uu ku shaqaalaysiinayo laakiin uusan lacag ku siinayn, ama uu ku siinayo kaliya qayb kamid ah wixii uu kaa ballan qaaday;
  • uu ku shaqaalaysiinayo, laakiin uusan ku siinayn jawi shaqo oo wanaagsan ama uu xaddidayo dhaqdhaqaaqaaga, tusaale ahaan asaga oo kaa qaadanaya dukumiintiyadaada ama albaabka kugu xiraya.

Sideed u ilaalin kartaa naftaada iyo qoyskaaga badbaadada?

  • Dad fara badan ayaa doonaya inay kaa caawiyaan safarkaaga kadib marka aad timaaddo
    Finland. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu ma ahan in qof walba uu yahay waxa uu kuu sheeganayo; dadka qaar ayaa doonaya inay kaaga faa’iidaystaan xaalada aad kujirto. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta inay kuu ballan qadaaan meel aad degto, gaadiid, ama cunto bilaash ah arintaana ay u isticmaalaan inay kugu cadaadiyaan falal galmo, shaqooyin ama adeegyo kale oo aadan kula heshiin. Kuwo kale ayaa laga yaabaa inay doonayaan inay ku waxyeeleeyaan ama ay kaa qaataan dukumiintiyadaada ama agabyadaada.

Haddii aad raadinayso goob aad joogto:

  • Isticmaal talooyinka diyaarsan ee ay bixinayaan ururada la yaqaano, haday macquul tahay.
  • Haddii aad isticmaalayso adeeg bixiye onleen ah, xaqiiji inaad doorato kuwa dadka qaabila ee taariikhda wanaagsan waxaadna eegtaa faalooyinka looga bixiyay boggooda.
  • Haddii aad la joogto shakhsiyaad gaar ah, marka hore qofka iska wareyso. Ha aqbalin in lagaa dhex saaro qoyskaaga ama dadkii aad la socotay, hana iska dhiibin dukumiintiyadaada. Weydii in lagaa rabo wax isdhaafsi iyo in kale mar kastana marka hore hore aqbal qiimaha.

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta