Qaabka loo codsado dib ula midoobista qoyska

Haddii aad Finland ka hehso aqoonsi qoxootinimo ama aaqoonsi magangalyo oo aan buuxin, aadna kala fogaateen qoyskaaga kahor ama intii aad kujirtay safarkii aad dalkaaga uga timid, waxaad codsan kartaa dib ula midoobista qoyska si qoyskaagu kuugu yimaado Finland, ayada oo la raacayo shuruudo gaar ah.

Waa maxay wakhtiga u cayiman codsashada dib ula midoobista qoyska?

Majiro wakhti u cayiman inaad ku codsato dib ula midoobista qoyska.

Majiraan shuruudo dhanka dakhliga ah?

Haddii lagu siiyay magangalyo qoxooti oo aad ka hesho Finland aadna doonayso inaad qoyskaaga dib ula modowdo, waxaa lagaa daynayaa shuruudaha dakhliga muddo 3 bilood ah laga bilaabo taariikhda aad heshay go’aanka. 

Haddii Finland lagaa siiyo magangalyada aan buuxin aadna doonayso inaad codsato dib ula midoobista qoyska, shuruudaha dakhliga waa lagaa rabaa.

Haddii aad tahay canug yar oo Finland lagaa siiyo qoxootinimo ama magangalyada aan buuxin, shuruudaha dakhliga lagaama rabo.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan shuruudaha dakhliga bogga Hay’adda Socdaalka Finland. 

Haddii aad ku guuldarraysato buuxinta shuruudaha, dib ula midoobista qoyska waa lagaa diidayaa. Waxaad go’aanka ka qaadan kartaa racfaan adiga oo tagaya maxkamadaha Finland.

Yaa laguu ogolyahay inaad dib ula midowdo?

Waxaa macquul ah in xaaskaaga iyo caruurtaada ka yar da’da 18 sanno kuu yimaadaan si ay kuula dagaan. Haddii codsigaaga dib ula midoobista qoyska lagaa aqbalo, waxaad u baahan tahay inaad u diyaar garowdo aadna bixiso lacagta safarka xubnahaaga qoyska si ay Finland kuugu yimaadaan Qof ku taageeraya, la taliye dhanka sharciga ah ama la taliye ayaa kaa caawin kara soo gudbinta dukumiintiyada lagama maarmaanka ah, hadday muhiim tahay.

Xaaladaha gaarka ah, xubnaha kale ee qoyska ee kuugu dhow ee kugula noolaa dalkaaga hooyo gabi ahaanna adiga kugu tiirsan ayaa kuu imaan kara si ay kuula dagaan Finland.

Halkaan ka heli karaa kaalmo ku saabsan hanaanka dib ula midoobista qoyska?

Waxaan kugula talinaynaa inaad la xiriirto saaxiibkeena, Xarunta Talo bixinta Qoxootiga Finland.

Gudaha Finland, UNHCR waxay saraakiisha dalka ka caawisaa sidii ay u fulin lahaayeen waajibaadkooda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Yurub. UNHCR qayb kama ahan nidaamka dib ula midoobista qoyska ee Finland. Nidaamka Finland waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay Hay’adda Socdaalka Finland.

Waxaan u baahanahay in la iga caawiyo xubin qoyska ah oo iiga maqan dal kale (raadinta qoyska)

Haddii aad degen tahay Finland, waxaan kugula talinaynaa inaad la xiriirto saaxiibadeena, Laanqayrta Cas ee Finland. Ururku wuxuu sameeyaa adeegyada baadigoobka qoyska. fadlan halkaan hoose ka hel tafaasiisha xiriirkooda:

Laanqayrta Cas ee Finland

Akhri macluumaad badan oo ku saabsan shaqada ay qabato Laanqayrta Cas ee Finland iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas kuwaas oo khuseeya baadigoobka qoyska.

Haddii aad degentahay Finland, waxaan kugula talinaynaa inaad eegto bogga HELP ee dalka aad degentahay.

Fadlan ogsoonow in UNHCR aysan bixin adeegyada baadigoobka qoyska.


<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta