Muxuu noqon karaa go’aanka laga gaarayo kiiskayga?

Go’aanka laga gaaro codsigaaga magangalyada waxaa kula soo socodsiin doonta Hay’adda Socdaalka Finland. Go’aanka waxaa laguugu siin doonaa luuqaddaada hooyo ama luuqadda kale ee aad fahmi karto.

Afar natiijo ayaa kasoo bixi karta nidaamka magangalyada:

  • In laguu aqoonsado qoxooti laguna siiyo ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah kaasoo mudo 4 sanno ah, kaasoo laguugu kordhin doono muddo 4 sanno ah
  • In lagu siiyo magangalyo aan dhammaystirnayn laguna siiyo ogolaanshaha degenaansho kumeel gaar ah kaasoo mudadiisu tahay 4 sanno, kaasoon lagu kordhin mudo afar sanno ah
  • In lagu siiyo ogolaanshaha degenaanshaha oo ku salaysan xeerarka u damqashada laguna siiyo ogolaansho degenaansho oo kumeelgaar ah kaasoo mudadiisu tahay 1 sanno, kaasoo lagu kordhin karo muddo 1 sanno ah
  • In codsigaaga magangalyada caalamiga ah lagaa diiday

➡️Haddii codsigaaga la aqbalo (aqoonsi qaxootinimo ama magangalyo aan buuxin), Hay’adda Socdaalka Finland waxay ku siin doontaa dukumiinti qeexaya xaquuqahaaga iyo waajibaadka ku saaran. Xaquuqaha iyo adeegyadu guud ahaan waa kuwo iskumid ah haddii laguu aqoonsado qoxooti, lagu siiyo magangalyo aan buuxin ama ogolaanshaha degenaanshaha ayada oo lagu salaynayo xeerarka u damqashada. Farqiga ugu weyn ayaa ah mudada ogolaanshaha degenaanshaha lagu siiyay (4 ama 1 sanno). Waxaa sidoo kale laguugu dari doonaa baraamijka isdhexgalka bulshada ee horudhaca ah kaas oo aad ku baran doonto sida Finland looga noolyahay.

➡️Haddii codsigaaga la diido, go’aanka uu buuxa ayaa laguugu soo gudbin doonaa luuqaddaada hooyo ama luuqadda kale ee aad sheegtay inaad fahmayso.


<< Ku noqo Sida magangalyada looga codsado Finland

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta