Fadlan ogsoonow in lagaaga baahan yahay inaad Finland ku sugantahay, ama aad joogto bar xaduudeed (garoon diyaaradeed, bar xaduudeed dhulka ah ama badda ah) si ad magangalyo uga codsato Finland.
Haddii aad ka cabsanayso inaad waddankaaga ku laabato ama waddankii aad hadda ku noolayd adiga oo ka baqaya waxyeelooyin, maxkamadayn, dagaal ama aad khatar ugu jirto in dhibaato xooggan wadankaas kaasoo gaarto, waxaad magangalyo ka codsan kartaa Finland. Talaabada ugu horeysa ee aad magangalyo caalami ah ku heli karto waa inaad magangalyo dalbataa.