Waxyaabaha ku saabsan UNHCR ta Finland

Dhammaanba macluumaadka iyo adeegyada ay bixiso UNHCR iyo saaxiibadeenu waa u LACAG LA’AAN dadka haysta magangalyada kumeelgaarka ah, magangalyo doonka ah, Qoxootiga, kuwa haysta magangalyada aan buuxin iyo shakhsiyaadka aan dalka lahayn.

UNHCR, oo ah Hay’adda Qoxootiga ee Qaramada Midoobay, waxay ilaalisa dadka lagu khasbay in ay guryahooda ka qaxaan ayada oo ay sabab u yihiin dhibaatayn iyo xukunno xaq darro ah. Waxaanu badbaadinaa nafaf, waxaan ilaalinaa xaquuqaha waxaana gacan ka gaysanaa sidii mustaqbal wanaagsan loo dhisi lahaa.

Gudaha Finland, UNHCR waxay saraakiisha qaranka ka caawisaa sidii ay u fulin lahaayeen waajibaadkooda si waafaqsan xeeraka caalamiga ah iyo kuwa Yurub. UNHCR qayb kama ahan nidaamka magangalyada ee Finland. Nidaamka magangalyada ee Finland waxaa mas’uul ka ah Hay’adda Socdaalka Finland.

UNHCR ta Finland waxay qayb ka tahay Wakiilka UNHCR ee dalalka Nordic iyo kuwa Baltic, ayada oo xarunteedu tahay Stockholm (Sweden).

Nala soo xiriir

Haddii aad weydo macluumaadkii aad ka raadinaysay websaytkaan ‘HELP’, fadlan waad u fasaxan tahay inaad nagula soo xiriirto teleefoonka ama iimaylka:

Teleefoonka: 📞 +46 10 10 12 800 (Isniinta – Jimcaha, 10.00-12.00 xiliga Stockholm)
Email: 📧 [email protected]

Haddii aadan ku hadlin Ingiriisi ama Swedish:

Inkasta oo aan wicitaanada uga jawaabi karno kaliya luuqadaha Ingiriisiga ama Swedish, haddana waxaad iimayl noogu soo diri kartaa luuqadda aad rabto adiga oo sharaxaya xaaladdaada, waana kuusoo jawaabaynaa. Jawaab celinteennu waxay, inta badan, waxay noqon karaan luuqadda Ingiriisiga, laakiin waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad isticmaasho Google Translate haddii aad ku dhibantahay wax fahmidda ama inaad noo soo dirto iimayl kale adiga oo naga codsanaya tafaasiil.


<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Finland
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta