Kusoo dhawoow websaytka ‘HELP’ kaasoo ay maamusho UNHCR, oo ah Hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay. Halkaan, Qoxootiga, magangalyo doonka iyo dadka bilaa dalka ah, iyo sidoo kale xubnahooda qoyska iyo dadka caawinaya, waxay ka heli karaan macluumaad ku saabsan nidaamka magangalyada iyo adeegyada diyaarka ku ah Finland.
Websaytkaan dhexdiisa, waxaad ka heli doontaa:
Macluumaadka loogu tala galay dadka ka qaxaya Ukraine ee Finland magangalyada ka raba
Digniinaha ku saabsan khataraha tahriibinta sharci darada ah ee dadka
Sida magangalyada looga codsado Finland
Sida loo codsado dib ula midoobista dadka
Halka kaalmo laga heli karo gudaha Finland
Waxyaabaha ku saabsan UNHCR ta Finland
Sida loo soo gudbiyo ficilka anshaxa xun?
Ma joogtaa meel ka baxsan Finland? Ma doonaysaa in lagaa caawiyo qaraabo dalka dibadiisa kaa jirta? Fadlan dooro dalka aad doonayso in lagaa siiyo macluumaadka ku saabsan HELP da UNHCR ama la xiriir xaafiiska UNHCR ta kuugu dhow ee dalkaaga ku yaalla.
Haddii aad kasoo qaxday Ukraine aadna ku sugan tahay Poland, Hungary, Italy, Slovakia, Romania, ama Bulgaria, fadlan ka hel Digital Blue Dot macluumaadka ku saabsan xaquuqahaaga iyo adeegyada aad heli karto iyo halka aad caawimaad ka heli karto. Websaytku wuxuu sidoo kale ku qoran yahay luuqadaha Ukraine iyo Ruushka.