Waxaad ururada aan dowliga ahayn (NGO) ama hay’adaha kale kala xiriiri kartaa khadadka gaarka ah si aad u hesho qaababka kale ee isugu jira caawimaadda iyo kaalmada, oo ay kujirto caawimaad dhanka maskaxda:
- Haddii kugu dhashaan fakaro ku saabsan inaad isdisho ama aad ogtahay qof sidaas ku fakaraya, la xiriir ?112 si aad u hesho kaalmo degdeg ah, oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga iyo Danish.
- Si aad u hesho talooyin caafimaad iyo macluumaadka ku saabsan qaybta xaaladaha degdega ah ee cudurada maskaxda ee Denmark, garaac ? 1813, oo aad ku heli karto luuqadaha Danish iyo Ingiriisi
- Si laguu caawiyo hadaad ka badbaaday tahriibinta sharci darrada ah ee dadka, la xiriir Xarunta Kahortagga Tahriibinta sharci darrada ah ee dadka ee Denmark ?7020 2550 (maalmaha shaqada 08.30-16.00, fasaxyada todobaadka iyo fasaxyada guud 9.00-15.00) ama iimayl ugu dir
?[email protected]. Ogsoonow haddii aad doonayso inaad u dirto waxyaabo sir ah, kala xiriir iimaylka sare si aad sidaa u samayso.
- Waxyaabaha ku saabsan caawmadda dhanka maskaxda ah haddii aad dareemayso inaadan maskax ahaan caadi ahayn ama aad ku fakarayso inaad is dhisho, la xiriir:
- Livslinien (Lifeline) adiga oo garaacaya ?70 201 201 (maalin walba, 11.00-05.00) kala xiriirbartooda ? wadahadalka ee onleenka ah (maalmaha Isniinta ilaa Khamiista 17.00-21.00, iyo Sabtida ilaa Axadda 13.00-17.00), ayada oo aad ku heli karto luuqadda Danish.
- Psykiatrifonden (Psychiatry Foundation) adiga oo garaacaya ?39 25 25 25 (maalin walba, 10.00-14.00) ama kala xiriir bartooda ? wadahadalka onleenka ah (maalmaha Isniinta iyo Aracada 18:00–22:00, iyo maalmaha Talaadada iyo Khamiista 14:00–18:00), oo aad ku helayso luuqada Danish.
- Si laguu caawiyo, haddii aad tahay qof nugul ama aad kujirto xaalad nololeed oo culus, la xiriir Startlinjen (Starting Line) adiga oo garaacaya ?35 36 26 00 (maalin walba, 16.00-23.00).
- Haddii aad ka yartahay da’da 18 sanno ama aad taqaano qof ka yar una baahan caawimaad iyo talooyin, la xiriir BørneTelefonen (Teleefoonka Caruurta) adiga oo garaacaya ?116 111 (wuxuu furan yahay 24/7) ama kala xiriir bartooda ? wadahadalka ee onleenka ah, oo aad ku helayso luuqadda Danish.
