Khadka caawimaadda

Waxaad ururada aan dowliga ahayn (NGO) ama hay’adaha kale kala xiriiri kartaa khadadka gaarka ah si aad u hesho qaababka kale ee isugu jira caawimaadda iyo kaalmada, oo ay kujirto caawimaad dhanka maskaxda:

  • Haddii kugu dhashaan fakaro ku saabsan inaad isdisho ama aad ogtahay qof sidaas ku fakaraya, la xiriir 📞 112 si aad u hesho kaalmo degdeg ah, oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga iyo Danish.
  • Si aad u hesho talooyin caafimaad iyo macluumaadka ku saabsan qaybta xaaladaha degdega ah ee cudurada maskaxda ee Denmark, garaac 📞 1813, oo aad ku heli karto luuqadaha Danish iyo Ingiriisi
  • Si laguu caawiyo hadaad ka badbaaday tahriibinta sharci darrada ah ee dadka, la xiriir Xarunta Kahortagga Tahriibinta sharci darrada ah ee dadka ee Denmark 📞 7020 2550 (maalmaha shaqada 08.30-16.00, fasaxyada todobaadka iyo fasaxyada guud 9.00-15.00) ama iimayl ugu dir
    📧[email protected]. Ogsoonow haddii aad doonayso inaad u dirto waxyaabo sir ah, kala xiriir iimaylka sare si aad sidaa u samayso.
  • Waxyaabaha ku saabsan caawmadda dhanka maskaxda ah haddii aad dareemayso inaadan maskax ahaan caadi ahayn ama aad ku fakarayso inaad is dhisho, la xiriir:
    • Livslinien (Lifeline) adiga oo garaacaya 📞 70 201 201 (maalin walba, 11.00-05.00) kala xiriirbartooda 💬 wadahadalka ee onleenka ah (maalmaha Isniinta ilaa Khamiista 17.00-21.00, iyo Sabtida ilaa Axadda 13.00-17.00), ayada oo aad ku heli karto luuqadda Danish.
    • Psykiatrifonden (Psychiatry Foundation) adiga oo garaacaya 📞 39 25 25 25 (maalin walba, 10.00-14.00) ama kala xiriir bartooda 💬 wadahadalka onleenka ah (maalmaha Isniinta iyo Aracada 18:00–22:00, iyo maalmaha Talaadada iyo Khamiista 14:00–18:00), oo aad ku helayso luuqada Danish.
  • Si laguu caawiyo, haddii aad tahay qof nugul ama aad kujirto xaalad nololeed oo culus, la xiriir Startlinjen (Starting Line) adiga oo garaacaya 📞 35 36 26 00 (maalin walba, 16.00-23.00).
  • Haddii aad ka yartahay da’da 18 sanno ama aad taqaano qof ka yar una baahan caawimaad iyo talooyin, la xiriir BørneTelefonen (Teleefoonka Caruurta) adiga oo garaacaya 📞 116 111 (wuxuu furan yahay 24/7) ama kala xiriir bartooda 💬 wadahadalka ee onleenka ah, oo aad ku helayso luuqadda Danish.


< Ku noqo Halka aad kaalmo ka helayso gudaha Denmark

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Denmark
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta