Waxaan u baahanahay qareen iyo/ama tarjumaan kiiskayga igala shaqeeya

Waxaad xaq u leedahay in uu qareen ku matalo haddii codsigaaga magangalyada ay diido Hay’adda Socdaalka Denmark. Haddii aadan dooran qareen, Guddiga Racfaanka Qoxootiga ayaa kuu magacaabi doona asaga oo kaa wakiil ah si bilaash ah.

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Hay’adda Qoxootiga Denmark, kaasoo ku siin kara kaalmo sharci oo kiiskaagu helo. Haddii aad kujirto xabsi ku yaala Denmark, la xiriir shaqaalaha xabsiga una sheeg inaad doonayso inaad doonayso inaad la kulanto Hay’adda Qoxootiga Denmark, kuwaas oo ku caawin kara. Marxalad kasta oo la marayo inta lagu jiro nidaamkaaga magangalyadu, haddii aad u baahato tarjumaan, saraakiisha socdaalka Denmark ayaa ku siinaya tarjumaan.


<< Ku noqo Sida magangalyada looga codsado Denmark

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Denmark
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta