Sida loo codsado magangalyada

Ayada oo aad codsan karto magangalyada loona eegayn xaaladdaada degenaansho ee Denmark, haddana qaabka aad u marayso waa kala duwanyahay, sida aad hoos ka akhriyi kartaba:

➡️Haddii aadan Denmark ku haysan ogolaansho degenaansho, waxaad codsan kartaa magangalyo adiga oo la xiriiraya booliska jooga xaduuda Denmark, garoonka diyaraadaha, ama si toos ah u tagaya xarunta booliska ee Denmark ama xarunta booliska ee ku taala Xarunta Qaabilaadda Sandholm.

Xarunta Qaabilaadda ee Sandholm


➡️Haddii horey u haysatay ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah (oo lagu siiyay shuruuc aan ahayn kuwa magangalyada) gudaha Denmark, waxaad magangalyo ka codsan kartaa xarunta booliska ee degmada aad ku nooshahay.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo khuseeya nidaamka magangalyada ee Denmark, fadlan booqo websaytka saraakiisha socdaalka Denmark, adiga oo ku helaya luuqadaha Ingiriisiga iyo Danish.

Dhammaan arrimaha ku saabsan nidaamka magangalyada waxaa maamusha saraakiisha socdaalka Denmark (Hay’adda Socdaalka Denmark – DIS) ayaga oo raacaya shuruucda iyo xeerarka dalka lehna saraakiil hufan oo tababaran kuna takhasusay arrimaha magangalyada.

UNHCR shaqo kuma lahan hanaanka codsiga magangalyada ee Denmark.


<< Ku noqo Sida magangalyada looga codsado Denmark

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Denmark
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta