Waxaad ururada aan dowliga ahayn (NGO) ama hay’adaha kale kala xiriiri kartaa khadadka gaarka ah si aad u hesho qaababka kale ee isugu jira caawimaadda iyo kaalmada, oo ay kujirto caawimaad dhanka maskaxda:
- Haddii kugu dhashaan fakaro ku saabsan inaad isdisho ama aad ogtahay qof sidaas ku fakaraya, la xiriir
112 si aad u hesho kaalmo degdeg ah, oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga iyo Danish.
- Si aad u hesho talooyin caafimaad iyo macluumaadka ku saabsan qaybta xaaladaha degdega ah ee cudurada maskaxda ee Denmark, garaac
1813, oo aad ku heli karto luuqadaha Danish iyo Ingiriisi
- Si laguu caawiyo hadaad ka badbaaday tahriibinta sharci darrada ah ee dadka, la xiriir Xarunta Kahortagga Tahriibinta sharci darrada ah ee dadka ee Denmark
7020 2550 (maalmaha shaqada 08.30-16.00, fasaxyada todobaadka iyo fasaxyada guud 9.00-15.00) ama iimayl ugu dir
cmm@socialstyrelsen.dk. Ogsoonow haddii aad doonayso inaad u dirto waxyaabo sir ah, kala xiriir iimaylka sare si aad sidaa u samayso.
- Waxyaabaha ku saabsan caawmadda dhanka maskaxda ah haddii aad dareemayso inaadan maskax ahaan caadi ahayn ama aad ku fakarayso inaad is dhisho, la xiriir:
- Livslinien (Lifeline) adiga oo garaacaya
70 201 201 (maalin walba, 11.00-05.00) kala xiriirbartooda
wadahadalka ee onleenka ah (maalmaha Isniinta ilaa Khamiista 17.00-21.00, iyo Sabtida ilaa Axadda 13.00-17.00), ayada oo aad ku heli karto luuqadda Danish.
- Psykiatrifonden (Psychiatry Foundation) adiga oo garaacaya
39 25 25 25 (maalin walba, 10.00-14.00) ama kala xiriir bartooda
wadahadalka onleenka ah (maalmaha Isniinta iyo Aracada 18:00–22:00, iyo maalmaha Talaadada iyo Khamiista 14:00–18:00), oo aad ku helayso luuqada Danish.
- Livslinien (Lifeline) adiga oo garaacaya
- Si laguu caawiyo, haddii aad tahay qof nugul ama aad kujirto xaalad nololeed oo culus, la xiriir Startlinjen (Starting Line) adiga oo garaacaya
35 36 26 00 (maalin walba, 16.00-23.00).
- Haddii aad ka yartahay da’da 18 sanno ama aad taqaano qof ka yar una baahan caawimaad iyo talooyin, la xiriir BørneTelefonen (Teleefoonka Caruurta) adiga oo garaacaya
116 111 (wuxuu furan yahay 24/7) ama kala xiriir bartooda
wadahadalka ee onleenka ah, oo aad ku helayso luuqadda Danish.