Key information on diseases
XEERARKA KU SAABSAN DARYEELKA CAAFIMAADKA QAXOOTIYASHA RWANDA
DARYEELKA CAAFIMAAD EE AASAASIGA AH (Xarunta caafimaadka
- Haddii aad UNHCR ugudii wangashantahay inaad ku nooshahay xero qaxooti oo ku taal Rwanda,si aad u hesho daryeelka caafimaadka aasaasiga ah waa inaad marka hore la xiriirtaa rugta caafimaadka aasaasiga ah ee xerada, si aad u hesho adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah si lacag la’aan
- Kharashyada daryeelka caafimaadka ee ay qaxoontiga ka helaan xarumaha daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee ka baxsan xeryaha ama xarumaha gaarka ah ma bixin doonaan UNHCR ama laamaha ay eey islashaqeeyaan ee caafimaadka, marka laga reebo xaalado gaar ah sida ay go’aamisay UNHCR.
- Haddii aad tahay qaxooti uga diiwaangashan UNHCR sidii aad ugu nooshahay magaalo ku taal Rwanda ama arday dhigta dugsi boodhin ah (ee xerada) oo ku yaal meel magaalo ah, markaa UNHCR waxay ku kaacaawin doontaa d inaad iska diiwaan geliso caymiska caafimaadka bulshada (CBHI). Diiwaangelinta CBHI waxay dhacdaa si sannadle ah ka hor bisha Luulyo 1deeda laga bilaabo taariikhdaas gaarka ah, macaamiishu waxay bilaabi karaan helitaanka adeegyada daryeelka caafimaadka ee xarumaha caafimaadka dadweynaha
- Haddii aad tahay qaxooti magaalo oo aan ka diiwaan gashanayn CBHI, UNHCR waxay awood u yeelan doontaa inay kaa caawiso diiwaangelinta inta lagu jiro sanadka. Fadlan la xidhiidh xarunta beesha kuugu dhow, khadka telefoonka ee ilaalinta ama email noogu soo dir [email protected] adoo siinaya magacaga, lambarka UNHCR ee caddaynta diiwaangelintaada, iyo lambarkaaga aqoonsiga qaxoontiga oo ansax ah. Haddii aadan haysan aqoonsi qaxooti oo sax ah fadlan u sheeg UNHCR.
DARYEELKA CAAFIMAADKA MID SARE IYO MID SADDEXE (Isbitaalada)
- Haddii aad tahay qaxooti uga diiwaangashan UNHCR ee kunool xero qaxooti oo ku taalo Rwanda, si aad u hesho kharashka daawayntaada ee heer sare iyo heer jaamacadeed oo ay bixiso UNHCR, marka hore waxaad u baahan tahay ineey kusoo gudbiso rugta caafimaadka aasaasiga ah ee xerada qaxootiga. Haddii aadan haysan gudbin, markaas waxaad halis u gelaysaa xaqiiqda ah in UNHCR aysan awoodi doonin inay kaa bixiso kharashka daaweyntaada.
- UNHCR, iyadoo la kaashanaysa la-hawlgalayaasha caafimaadka ee Save the Children/AHA, waxay raacdaa habraac qeexan ee oggolaanshaha u gudbinta caafimaadka ee daryeelka caafimaadka sare iyo sare.
- Go’aanka gudbinta ama diidmada bukaan-socodka waa in uu oggolaado dhakhtarka caafimaadka ama bixiyaha daryeelka caafimaadka lammaane, iyadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee bukaanka iyo danta ugu wanaagsan ee bukaanka. Go’aanka waa in uusan saameyn ku yeelan bukaanka, qoyska, ama shaqaalaha aan caafimaadka ahayn, iyo isku day kasta oo lagu saameynayo waa in lagu wargeliyaa UNHCR barta [email protected].
- Fadlan ogow in gudbinta laga siinayo cusbitaalka guud ee kuugu dhow. Isticmaalka xarunta caafimaadka ee gaarka ah waxa kaliya oo bixisa UNHCR ayadoo la fiirinayo xaalado gaar ah.
- Haddii aanad dib uga maqal codsigaaga ku saabsan u gudbinta daryeelka caafimaadka sare iyo sare, fadlan la xidhiidh dhakhtarka sare ama kalkaalisada rugta caafimaadka ee xerada si aad u waydiiso warbixin.
- Si loo ogaado, haddii aad awoodid inaad iska kaafiso kharashka daryeelkaaga caafimaad, markaa waxaad u tagi kartaa xarun kasta oo caafimaadka dadweynaha ee Rwanda waxaad lawadagtaa kaarka aqoonsiga qaxoontiga si aad u hubiso gelitaanka.
Dadka u qalma soo gudbinta taagerada daryeel.
Dhammaan qaxootiyasha, magan-gelyo-doonka ah iyo dadka barakacayaasha ah ee uga diiwaangashan UNHCR Rwanda oo ay ku jiraan qaxootiga xeryaha, qaxootiga magaalooyinka, qaxootiga ku sugan xarumaha degdegga ah ee Gashora, Nkamira, iyo ardayda dhigata dugsiyada boodhinka, waxay xaq u leeyihiin in loo gudbiyo daryeelka caafimaadka sare iyo sadexaad, ayadoo loomarayo Taageerada UNHCR.
UNHCR ayaa mudnaan hore ee gudbinta siinayno kooxahan soo socdo:
Caruurta da’adoodu kayartahay 18 sano
- waayelka ka ween 60 sano jiro
- Caafimadka taranka/xaaladaha quseeyo uurka
- Xanunka dhimirka iyo keesaska naxtinta/walwalka.
- Dadka qaba xaaladaha degdega ah/nafta halis gelinaya sida ay ku taliyeen shaqaale caafimaad oo aqoon u leh.
UNHCR uma qalmaan kooxahan soo socdo gudbinta:
muwadiniinta ruwandiiska ah
- kutiirsanaha qofka xerada kunool oo aan ka diwaan galsaneen unhcr ama aanan u diwalgalsaneen magan galyo doon UNHCR.
- Qofka magangalyo doonkisa lasoo diiday, iyo qofka wada isticmalay adeega nidemaanka cabashada ee heer qaran.
Xaalaha u qalmida taagerada daryeelkaConditions
Iyadoo la tixgelinayo ilaha dhaqaale ee jira, UNHCR waxay mudnaan siin doontaa u-diridda caafimaadka ee xaaladahan soo socda:
- Xaaladaha degdega ah ee dhalmada
- Xaalado degdeg ah oo nafta halis gelin kara
- Xaalado degdeg ah oo keeni kara curyaanimo daran.
U-QALMITAANKA GUDBINTA CAAFIMAAD
Caqabado maalgalineed awgeed, UNHCR ma awoodi doonto in ay u gudbiso xarumo caafimaad oo sare/kale, dadka xerooyinka qaxootiga ee qaba/leh shuruudahan soo socda:
- Heerka Ugu Dambeeya ee Kelyo-Xanuunka
- Cudurada hoos u dhiga caafimaadka,ee la og yahay ama la ogeyn sababtooda, laakiin leh daawo aan la garanayn ama shaki ku jiro
- Cudurada Daba-dheeraada uu ka mid yahay Kansarka
- Naafada aan dib loo celin karin/daaweyn karin (maqal la’aan, indho la’aan aan la daweyn karin)
- Naafo jireed oo daba-dheer
- Xaaladaha u baahan qurxin ama Qalliinka Caagga Bilicda leh
- Dhammaan kiisaska dhimirka ka jiran ee lagu xakameyn karo daawooyinka laga heli karo heerka xeerada/kaamka
- Madax-xanuun daba-dheeraaday oo aan lahayn calaamado ama cadaadis dhanka lafta-madaxa ah oo kordhay
- Baaritaanka shaybaadhka oo laga heli karo xarunta caafimaadka
- Cufyo yaryar oo jilicsan oo dusha sare ah oo aan saameyn ballaaran lahayn
- Gudniinka caadada/dhaqanka ah
- Jajab dabadheeraad ah oo leh qallafsanaan balse aan lahayn naafo shaqayneed weyn
- Bixinta addimada/xubnaha sanaaciga ama macmalka ah
- Daryeelka ilkaha marka laga reebo nabarada ilkaha iyo saarista ilkaha
- Baaritaanka ama daaweynta dhibaatooyinka dhalmo la’aanta
- Baaritaanka ama daaweynta awood la’aanta galmada
- Xanuunka roomatisamka (caabuqa iyo bararka kala-goysyada)/murqaha, iyaga oo aan saameyn ku lahayn xubnaha gudaha ee jirka ama calaamadaha kale ee habaysan
- Dib u dhac maskaxeed iyo korriin( Waxaa laga yaaba in qaar ka mid ah Hay’ado Aan Dawli Ahayn la aqoonsado, kuwaas oo wax ka qaban kara xaaladaha noocaas ah)
- Xaalado kale oo daaweyntu ay tahay mid qaali ah, casri ah ama ka baxsan waxa caadiga ah ee ay heli karaan muwaadiniintu. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah qalliinka maskaxda, kelyaha, beerka, qalliinka wadnaha ama beerista.
Iyadoo ay taasi jirto, UNHCR waxay sii waddaa inay isku daydo oo ay aqoonsato/hesho NGO-yada ama hay’adaha samafalka ee si lacag la’aan ah u caawin kara qaxootiga la ildaran xaaladahan
BIXINTA GUDBINTA KAALMADA DARYEELKA SARE
UNHCR waxay taageeri doontaa u gudbinta caafimaadeed ee isbitaalada degmada oo ah talaabada ugu horaysa ee bukaanka qaxootiga, maaraynta xaaladaha degdega ah, qaliinka, cudurada caruurta iyo dhalmada.
Habka u gudbinta caafimaadeed ee heer sare ayaa raaci doona habraacan soo socda :
- Buuxinta Foomka Gudbinta: Dhakhtarka Caafimaadeed ama xirfadlaha caafimaadeed ee soo gudbinaya ee xarunta caafimaad ee xerada ee aasaasiga ayaa buuxinaya foormka gudbinta, isaga oo muujinaya isbitaalka soo gudbinaya iyo sababta gudbinta.
- Xogta Bukaanka: Bukaanka iyo/ama daryeel-bixiyeyaasha waxaa lagu wargeliyaa sababta iyo Meesha gudbinta. Xaaladaha u baahan daryeele balse aan la heli karin, waxaa kaalmo laga codsan karaa UNHCR, Save the Children ama la-hawlgalayaasha kale ee caafimaadka.
- Shaqaalaha la socda/weheliya: Ugu yaraan hal xubin oo shaqaale ah oo weheliya oo ka socda la-hawlgalaha caafimaadka ayaa loo qoondeeyey iyadoo lagu saleynayo xaaladda bukaanka. Gudbinta degdega ah waxa si dhow ula socon doona shaqaale caafimaad oo aqoon u leh iyo daryeele.
- Ambalaaska: Haddii ambalaas gudbintaadu u baahato, waxaa lagu siin doonaa mid.
Inta isbitaalka la joogo
- Qaxootiga waxaa loo qoondeyn doonaa adeege bulsho oo jooga isbitalka degmada si loola socdo iyo si loo hubiyo iskudubaridka iyo hufnaanta.
- Adeegaha bulshadu waxa kale oo uu qabanqaabin doonaa gaadiidka aad ugu laabanayso gurigaaga wuxuuna hubin doona inaad haysato dukumentiyada lagama maarmaanka ah.
Haddii aanad haysan warqad gudbineed, UNHNCR ma awoodi doonto in any bixiso kharashka daaweyntaada ee heer sare, adiga ayaana iska bixin doona kharashka caafimadeed.
BIXINTA GUDBINTA KAALMADA DARYEELKA HEERKA SADDEXAAD(SARE)
Daryeelka caafimaadka heerka saddexaad ee Rwanda wuxuu ka kooban yahay xarumaha guud/dawliga ah ee soo socda: Xarunta Isbitaalka Jaamacadda Kigali (CHUK), Isbitaalka Ndera ee Cudurada Dhimirka/Maskaxda iyo Isbitaalka Milatariga ee Rwanda ee kuyaal Kigali iyo the Xarunta Isbitaalka Jaamacadda Butare (CHUB) ee kuyaal Gobolka koonfureed.
Habka gudbinta ee daryeelka caafimaadka heerka saddexaad (sar) ayaa raaci doona habaraacan soo socda:
- U-gudbinta daryeelka caafimaad ee heerka saddexaad (sare) ayaa kaliya suurtagal ah haddii uu codasdo Isbitaalka degmada ( heerka labaad/sare).
- Waxaa la oggol gudbinta tooska ah ee daryeelka caafimaad ee saddexaad(sare) ee ka yimaada daryeelka caafimaadka ee xerooyinka qaxootiga kaliya marka ay jiraan xaalado gaar ah iyo xaaladaha degdegga ah ee badbaadinta nafta.
Ka dib go’aanka gudbinta:
- Isbitaalka Degmada ee soo gudbinaya ayaa ogeysiin doonaa adeegaha/shaqaalaha bulshada iyo maamulaha barnaamijka caafimaadka, isbitaalka oo keeno doona foomka gudbinta oo waxa xogta ama macluumka muhiimka ah.
- Adeegaha/Shaqaalaha bulashada ee xarunta caafimaadka saddexaad(sare) ayaa diyaarin doona ballanta qofka buka, isaga oo hubinaya helitaanta hoyga iyo cunnada qofka buka, wuxuuna qoraal ahaan ugu gudbin doonaa dhakhtarka soo gudbiyey bukaanka ee heerka koowaad/labaad.
Tixgelinno gaar ah oo loogu talagalay Qaxootiga ku nool magaalooyinka:
- Qaxootiga degan magaalooyinka uma qalmaan in ay helaan hooy iyo cunno marka loo gudbiyo gargaarka caafimaad ee heerka saddexaad(sare) ee kuyaala magaalooyinka ay degan yihiin.
Habraaca Ogolaanshaha Gudbinta Gaarka Ah
U-gudbinta Isbitaalka Boqor Faysal (King Faisal) ee baadhitaanada ( shaybaadhka, baadhitaanada aaladaha CT Scans, MRI ) waxa ay ku kooban yihiin xaaladaha caafimaad ee lagama marmaanka ah, iyada oo muhiimada la siinayo wax ka qabadka lagu badbaadinayo nolosha iyo xaaladaha leh saadaal wanaagsan oo daawayneed.