Wasaaradda u xilsaaran Maareynta Gurmadka (MINEMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Farshaxanka (MoYA), waxay ku wargelinaysaa dhammaan dhallinyarada Qaxootiga ah ee ku nool Rwanda, lehna mashaariic ganacsi, rabana inay kobciyaan, inay si degdeg ah iskaga diiwaan geliyaan tartanka loogu magac daray “Tartanka Ganacsiga & Abaalmarinta Dhalinyarada Qaxootiga ee kusugan Rwanda.”
Shuruudaha Ka Qayb-galka:
1.Waa in uu yahay qofku Qaxooti;
2.Waa in da’diisu tahay inta u dhaxaysa 16-30 sano;
3.Ganacsiga qofku waa in uu yahay mid faa’iido leh , raasamaalkiisuna ka hooseeyo 500,000 kun oo Lacagta Faranka Rwanda ah (RWF);
4.Shirkadda/Iskaashatada waa in ay ahaato mid si sharci ah u diiwaan gashan( haysatana warqadaha shatiga ee ka soo baxay Wakaalada Iskaashatada Rwanda (RCA), Degmada, Waaxda, ama Guddiga Horumarinta Rwanda (RDB)).
FIIRO GAAR AH: Iskaashatada si loogu ogolaado in ay ka qayb-galaan, ugu yaraan 70% xubnaheedu waa inay ahaadaan dhalinyaro. Ganacsatada aan lahayn dukumeenti sharci/shati oo rasmi ah oo raba inay ka qayb-galaan, waa inay keenaan warqad xaqiijin ah oo ka socota urur shuraako la ah ama maamulaha xerada.
5.Waa in aanu Gacacsigu gargaar dhaqaale ka helin barnaamijka YouthConnekt ama deeq-bixiye kale.
6.Waa in uu leeyahay Akoon Bangiyeed ama Akoon Hay’adaha Dhaqaalaha Yar Yar /SACCO.
Faylka codsigu waa inuu ka koobnaadaa::
- Warqad ku socota Maamulaha Kaamka;
- Faahfaahin Ku Saabsan Ganacsiga;
- Foomka codsiga oo dhammaystiran/buuxbuuxa;
- Nuqul ka mid ah dukumeentiga diiwaangelinta ee Wakaalada Iskaashatada Rwanda (RCA) ama Guddiga Horumarinta Rwanda (RDB), ama xaqiijinta maamulaha kaamka ama urur shuraako la ah.
Meesha Laga Codsan Karo:
•Qaxootiga ku nool xeryaha qaxootiga: foomamka codsiga waxa laga heli karaa xafiiska maamulaha xerada.
•Qaxootiga ku nool magaalooyinka: foomamka codsiga waxa laga heli karaa Xafiiska UNHCR ee Kigali (Nyarutarama) ama Xarunta Bulshada ee Gikondo.
Galka arjiga/codsiga oo dhameystiran waa in loo gudbiyaa Xafiiska UNHCR ee Nyarutarama ama lagu soo diraa email ahaan: [email protected].
FIIRO GAAR AH: Diiwaangelintu waxay bilaabanaysaa 18ka Sebtember 2025 waxayna xidhmi doontaa 30ka Sebtember 2025.
Haweenka iyo Dadka Naafada ah waxaa si adag loogu dhiirigelinayaa inay soo codsadaan.
Muhiim:
•Guuleystayaashu waxay heli doonaan gargaar dhaqaale si ay u xoojiyaan/kobciyaan ganacsigooda.
•Kaliya 120 gacansi/mashruuc oo tayo leh/heersare ah ayaa la maalgelin doona.
•Diiwaangelintu waa bilaash; lacag ama wax kale looma baahna.
Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir: 0788592334 / 0788297702 / 0782133440.