Qaybta Ilaalinta Sharciga ee UNHCR Indonesia waxay taageero siin kartaa qaxootiga iyo magangalyo-doonka xaaladaha kala duwan ee hoos ku taxan. Khadadka telefoonka ayaa diyaar ah 24/7 xaaladaha degdegga ah. Khadadka waxay u furan yihiin dadka haysta waraaqaha UNHCR iyo kuwa aan haysan labadaba waana lacag la’aan.
Haddii aad u malaynayso in lagugu qasbi doono inaad ku laabato dalkaagi ama lagu xidhay, waxaad wici kartaa khadka taleefoonka ee UNHCR si aad gargaar u hesho: 0811 8610042 ama 0811 9840 643
Unfortunately, due to limited resources and the nature of our role in Indonesia, UNHCR cannot provide legal advice.
➡ SUAKA waa urur ka jira Indonesia oo siin kara talo sharci dadka magangalyo doonka ah. Waxay kaloo soo saaraan xirmooyinka is-caawinta kuwaas oo laga heli karo shabakadooda lacag la’aan. Waxaad ka heli kartaa suaka.or.id.
➡ JRS waxa ay siisaa talo kooban magangalyo-doonka ku nool agagaarka Bogor/Cisarua. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah boggooda: jrs.or.id/en/ .