Ma heshay casuumaadda My Services oo diyaar ma u tahay inaad abuurato akoonkaaga?

Kahor intaadan bilaabin, waxa aad u baahan tahay si aad u abuurto akoonkaaga:

Taleefan smartphone ah ama kombiyuutar,
Inaad heli karto ciwaankaaga e-mailka ee aad la wadaagtay UNHCR,
Helitaanka lambarkaaga taleefanka gacanta ee aad UNHCR la wadaagtay gudaha Hindiya,
Xiriir internet oo shaqaynaya

Sida loo abuuro akoonkaaga:

1Guji link-ga aad ku heshay e-mailkaaga

2Xaqiiji ciwaankaaga e-mail

Xaqiiji ciwaanka e-mailkaaga ee ku soo baxa shaashadda adigoo gelinaya koodhka xaqiijinta ee lagu soo diray e-mailkaaga. Haddii aadan helin koodhka, waxaad gujin kartaa “send new code”.

3Diiwaangeli lambarkaaga taleefanka

Geli lambarkaaga taleefanka gacanta ee Hindiya (ee aan ahayn kaliya WhatsApp), ka dibna geli koodhka lagu soo diray SMS. Haddii aadan helin koodhka, waxaad gujin kartaa “send new code”.

Fiiro gaar ah: Fadlan isticmaal lambar firfircoon — waxa laga yaabaa inaanu kuu soo dirno fariimo muhiim ah.

4Abuur eray sir ah (password)

Abuur eray sir ah oo fudud inaad xasuusato isla markaana buuxiya shuruudahan:

  • Ugu yaraan sagaal xaraf,
  • Hal xaraf weyn (A, B, C, iwm.)
  • Hal xaraf yar (a, b, c, iwm.),
  • Hal lambar (1, 2, 3, iwm.),
  • Hal astaam (!, ?, $, iwm.).

5Gal xogtaada

Marka akoonkaagu la abuuro, si toos ah ayaad u geli doontaa xogtaada iyo adeegyada kuu diyaar ah.

Weli su’aalo ma qabtaa? Eeg FAQs-keena 👇


Haddii aadan mar dambe geli karin e-mailkaas, fadlan la xidhiidh UNHCR si laguu caawiyo adigoo noo soo qoraya: [email protected]

Si aad u isticmaasho portal-ka, waxaad u baahan tahay internet iyo taleefan smartphone ah ama kombiyuutar.

Waxaad ka amaahan kartaa qalab qof aad ku kalsoon tahay, ama waxaad isticmaali kartaa qalab dadweyne (tusaale ahaan, xarun dijitaal ah ama internet café). Hubi in:

  • Aad isticmaasho e-mailkaaga iyo lambarkaaga taleefan,
  • Aad ka baxdo (log out) akoonkaaga markaad dhamayso.

Haddii aadan awoodin inaad gasho portal-ka, weli waxaad adeegyada ku codsan kartaa habab kale adigoo noogu soo qoraya [email protected].

Maya. Si aad u badbaado,hala wadaagin lambarkaaga sirta ah qofna, xitaa haddii uu yahay xubin qoys.

Haddii aad u baahan tahay caawimaad si aad u isticmaasho akoonkaaga, waxaad UNHCR ka codsan kartaa inay u oggolaadaan qof aad ku kalsoon tahay inuu kaa caawiyo (delegation).

Delegation-ku waxa uu qofkaas u oggolaanayaa inuu si ammaan ah u maareeyo akoonkaaga iyadoo aan loo baahnayn inuu helo eraygaaga sirta ah.