Gal akoonkaaga
Haddii aad hore u leedahay akoon ku jira portal-ka My Services, waxaad gali kartaa wakhti kasta si aad u sii waddo codsigaaga, u hubiso xaaladda ballantaada, u cusboonaysiiso faahfaahintaada xiriirka, ama u gasho adeegyada kale.
1Gali
Guji batoonka ‘Gali / Log-in’.
2Geli macluumaadkaaga gelitaanka
Geli ciwaanka e-mailka iyo erayga sirta ah ee aad isticmaashay markaad samaynaysay akoonkaaga.
3Hel koodhka xaqiijinta
Geli koodhka cusub ee xaqiijinta ee laguugu soo diri doono e-mailkaaga.
Mar labaad markaad gelayso akoonkaaga, looma baahna inaad geliso koodh laguugu soo diro lambarkaaga taleefanka.
Waxaad mar walba geli kartaa Ogeysiiska Qarsoodiga (Privacy Notice) ee ku saabsan isticmaalka portal-ka My Services.
Dhibaato ku qabtaa gelitaanka?
Guji “Forgot password?” bogga gelitaanka.
Raac tallaabooyinka lagu cusboonaysiinayo eraygaaga sirta ah adigoo adeegsanaya e-mailkaaga diiwaangashan.
Waxaad heli doontaa koodh xaqiijin ah waxaana lagaa codsan doonaa inaad abuurto eray sir cusub.
Haddii aadan geli karin e-mailka ku xiran akoonkaaga, waa inaad la xiriirtaa UNHCR si laguu caawiyo adigoo noo soo qoraya: [email protected]
- Hubi inaad leedahay xiriir internet oo sugan/hagaagsan.
- Iska hubi in e-mailkaaga iyo lambarka sirta ah si sax ah loo qoray.
- Xaqiiji inaad isticmaalayso isla e-mailkii aad ku abuurtay akoonka.
- Isku day inaad koodhka xaqiijinta koobiyeeyso oo dejiso halkii aad ka qori lahayd.
- Sug dhowr daqiiqo oo isku day mar kale haddii nidaamku gaabis yahay.
Haddii dhibaatadu sii socoto, la xiriir UNHCR si laguu caawiyo adigoo noo soo qoraya e-mail: [email protected]
Gali akoonkaaga, ka dib tag “My Settings” oo dooro “Reset Account Password”.