Macluumaadka iyo kaalmada ku saabsan sida la iskaga ilaaliyo coronavirus (COVID-19)

Majiraan xanibaado ku saabsan soogalitaanka Denmark oo la xiriira COVID-19. Dadka magangalyo doonka ah waxay awood u yeelan doonaan inay Denmark soo galaan xataa haddii aan horey loo baarin, aysan soo bogsan ama aan laga talaalin COVID-19.

Dhammaan dadka degen Denmark, oo ay kujiraan Qoxootiga, dadka haysta magangalyada kumeelgaarka ah iyo magangalyo doonkuba waxaa loo talaali karaa si bilaash ah gudaha Denmark ayada oo laga talaalayo COVID-19.  Waxaad balan ku qabsan kartaa teleefoonka, waxaad raadsan kartaa goobta talaalka ee kuugu dhow ama waxaad heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan talaalka COVID-19 websaytka Wakaaladda Caafimaadka Denmark, taasoo aad ku heli karto Ingiriisi iyo Danish.

Waa kuwaan khadadka teleefoonada aad wici karto si aad ballan u qabsato, ayada oo la eegayo gobolka aad Denmark ka degentahay:

  • Gobolka Caasumadda Denmark – Tel. 📞 +45 38 66 00 00
  • Gobolka Zealand – Tel. 📞 +45 70 20 42 33
  • Gobolka Koonfurta Denmark – Tel. 📞 +45 99 44 07 17, riix 1
  • Gobolka Bartamaha Denmark – Tel. 📞 +45 70 23 24 15
  • Gobolka Waqooyiga Denmark – Tel. 📞 +45 97 64 84 63

< Ku noqo Halka aad kaalmo ka helayso gudaha Denmark

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Denmark
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta