Adeegyada talo bixinta ee loogu tala galay nidaamka magangalyada iyo kaalmada sharciga

Haddii aad ku sugantahay Denmark, aadna u baahan tahay talo bixin dhanka sharciga ah oo ku saabsan kiiskaaga magangalyada ama kaalmada dhanka sharciga ah ee ku saabsan sidii aad racfaan uga qaadan lahayd go’aan diidmo ah ama aad racfaan uga qaadan lahayd go’aan ku saabsan in dalkaagii dib laguugu celiyo, ama haddii aad qabto su’aalo ku saabsan nidaamka dib ula midoobista qoyska ee magangalyada Denmark, fadlan kala xiriir saaxiibadeena Hay’adda Qoxootiga Denmark kuwaas oo awooda inay talo bixin dhanka sharciga ah kaa siiyaan kiiskaaga:

Golaha Qoxootiga Denmark

  • Ciwaanka: Borgergade 10, 1300 Copenhagen
  • Teleefoonka: 📞 +45 3373 5000(Maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha, 9:00-15:00s; fadlan ogsoonow in maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 13:00–15:00, muwaadiniinta Ukrain tarjumaan ayaa diyaar ugu ah wicitaanada teleefoonka)
  • Iimayl: 📧 [email protected]
  • Websaytka: (DRC) Danish Refugee Council’s Asylum Department

Waxaad la taliye dhanka sharciga ah oo kuu gara ah ka helaysaa xaafiisyada Hay’adda Qoxootiga Denmark xaafiisyadooda ku yaala Copenhagen maalmaha Arbacada, 10.00-13.00. Waa inaad la timaaddaa tarjumaankaaga haddii aadan ku hadlin Ingiriisi ama Danish.

Haddii aad u baahan tahay macluumaad ku saabsan fiisayaasha, dib ula midoobista qoyska, daraasadaha, ama shaqada ee gudaha Denmark, waxaad la xiriiri kartaa Adeegyada Tala bixinta Mutadawacnimada ah ee Hay’adda Qoxootiga Denmark adiga oo iimayl u diraya  📧 [email protected] ama teleefoonka 📞 +45 3373 5315 (Maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha, 9:00–12:00).


< Ku noqo Halka aad kaalmo ka helayso gudaha Denmark

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Denmark
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta