Dhammaanba macluumaadka iyo adeegyada ay bixiso UNHCR iyo saaxiibadeenu waa u LACAG LA’AAN dadka haysta magangalyada kumeelgaarka ah, magangalyo doonka ah, Qoxootiga, kuwa haysta magangalyada aan buuxin iyo shakhsiyaadka aan dalka lahayn.
Buggaan, waxaad ka helaysaa macluumaadka xiriirka ururada ku siin kara kaalmada inta aad kujirto nidaamka magangalyada ee Denmark. Waxada sidoo kale heli doontaa macluumaadka xiriirka ee lambarada xaaladaha degdega ah iyo adeeg bixiyeyaasha kale ee Denmark ka howlgala.