Haddii aad ka badbaaday kala gudbinta dadka ee sharci darrada ah, ama aad ka shakisan tahay inay qof kale ku dhacday, waa inaad la xiriir boooliska Denmark adiga oo kala xiriiraya lambarka teleefoonka xaaladaha degdega ah (garaac 📞 112). Wicitaan kasta oo aad booliska la samayso wuxuu ahaanayaa mid qarsoodi ah.
Dad fara badan ayaa doonaya inay kaa caawiyaan safarkaaga kadib marka aad timaaddo Denmark. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu ma ahan in qof walba uu yahay waxa uu kuu sheeganayo; dadka qaar ayaa doonaya inay kaaga faa’iidaystaan xaalada aad kujirto.
Tusaale ahaan, waxaa dhici karta inay kuu ballan qadaaan meel aad degto, gaadiid, ama cunto bilaash ah arintaana ay u isticmaalaan inay kugu cadaadiyaan falal galmo, shaqooyin ama adeegyo kale oo aadan kula heshiin. Kuwo kale ayaa laga yaabaa inay doonayaan inay ku waxyeeleeyaan ama ay kaa qaataan dukumiintiyadaada ama agabyadaada.
Fadlan eeg muuqaalka macluumaadka ah ee UNHCR ee ku saabsan “Sida la isu badbaadiyo”:
Muuqaalka waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha Ukrain iyo Ruush.
Xarunta kahortagga Tahriibinta sharci darrada ah ee Dadka ee Denmark waxay diyaarisay macluumaad ka digaya kala tahriibinta sharci darrada ah ee dadka kuguna caawinaya macluumaad ku saabsan qaabka caawimaad loo helo inta aad Denmark joogto haddii aad ka badbaaday tahriibinta sharci darrada ah ee dadka. Waxaad macluumaadkaan kulasoo dagi kartaa asaga oo Ingiriisi ama Ukrainian ah.
Waxaad sidoo kale danbiyada dagaal ee suurtagalka ah ee ka dhacaya Ukrain kusoo gudbin kartaa websaytka booliska Denmark.