Macluumaadka loogu tala galay dadka kasoo qaxaya Ukraine

Haddii aad tahay qoxooti kasoo cararay Ukraine aadna joogto Denmark, fadlan booqo websaytka Dowladda Denmark, kaasoo uu kujiro macluumaad muhiim ah oo ku qoran Ingiriisi, Ukranian iyo Danish. Waxaad sidoo kale Hay’adda Socdaalka Denmark ka wici kartaa 📞 +45 35 36 66 00 (Maalmaha Isniinta ilaa Arbacada 9.00–15.00, Khamiista 12.00–17.00, iyo Jimcaha 9.00–12.00).

Haddii aad kasoo qaxday Ukraine aadna ku sugan tahay Poland, Hungary, Italy, Slovakia, Romania, Bulgaria, fadlan ka hel Digital Blue Dot macluumaadka ku saabsan xaquuqahaaga iyo adeegyada aad heli karto iyo halka aad caawimaad ka heli karto. Websaytku wuxuu sidoo kale ku qoran yahay luuqadaha Ukraine iyo Ruushka.  

Dadka ka imaanaya Ukraine waxay xaq u leeyihiin ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah ee Denmark si waafaqsan Xeerka Gaarka ah (sharciga Denmark ee ku saabsan ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah ee qoxootida ka imaanaysa Ukraine). Waxada xaq u yeelanaysaa ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah ee Denmark haddii aad tahay:

  • muwaadin u dhashay Ukraine oo ku noolaa Ukraine kana soo qaxay waddanka 1-dii Febraayo 2022 ama wixii ka danbeeyay, haddana aad ku nooshahay Denmark ama Jasiiradaha Faroe,
  • qof ajanabi ah oo Ukraine ku noolaa kaasoo haystay aqoonsiga qoxootinimada Ukraine (A1) taariikhdu markay ahayd 24-kii Febraayo 2022 kana soo qaxay waddanka 24-kii Febraayo 2022 ama kaddib,
  • muwaadin u dhashay Ukraine ama ajanabi ama qof aan dal lahayn kaasoo aqoonsi qoxootinimo ka haystay Ukraine Febraayo 24-kii 2022 joogayna Denmark ama haystay ogolaanshaha degenaanshaha Denmark 24-kii Febraayo 2022,
  • xubin dhow oo ah qoyska qof ku nool Denmark kaasoo la siiyay ogolaanshaha degenaanshaha si waafaqsan sharciga Denmark ee ku saabsan ogolaanshaha degenaanshaha qoxootiga ka imaanaysa Ukraine (waxaa loo yaqaanaa “Special Act”).

Marka la eego shuruucda Denmark, shakhsiyaadka soo socda waxaa loo arkaa “xubnaha dhow ee qoyska”:

  • xaas ama lammaane
  • canugga aan qaangaarin ee aan guursan (ka yar da’da 18 sanno)
  • ama qaraabada dhow ee guriga iskula noolaa kuna tiirsanaa muwaadinka reer Ukraine

Sida Denmark looga codsado Magangalyada Kumeelgaarka ah ee Wadarta ah

Fadlan daawo muuqaalkaan ku hagaya ee ku baxaya luuqadda Ukraine kaasoo ku saabsan hannaanka codsiga onleenka ah ee ku saabsan Magangalyada Kumeelgaarka ah ee ay bixiso Hay’adda Socdaalka Denmark (si aad muuqaalka u furto, guji qaybta websaytka ee ku magacaaban ‘Video guide to the application’ / ‘Відеоінструкція до заявки’).

Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo codsado ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah ee Denmark ka heli kartaa websaytka hay’adda socdaalka ee Denmark:

  • Qaabka loo codsado ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah haddii aad ku sugantahay Denmark, oo aad tahay muwaadin reer Ukraine ah, waxaad ku heli kartaa luuqadaha Ingiriisiga, Ukrainian iyo Danish.
  • Qaabka loo codsado ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah haddii aad ku sugantahay Denmark, laguuna aqoonsaday inaad qoxooti ku ahayd Ukraine, waxaad ku heli kartaa luuqadaha Ingiriisiga, Ukrainian iyo Danish.
  • Qaabka loo codsado haddii aad tahay xubin kamid ah qoyska qof ku sugan Denmark kana soo qaxay Ukraine, waxaad ku heli kartaa luuqadaha Ingiriisiga, Ukrainian iyo Danish.
  • Qaabka loo codsado haddii aad ku sugantahay Jasiiradaha Faroe aadna kasoo qaxday Ukraine, waxaad ku heli kartaa luuqadaha Ingiriisiga iyo Danish.

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad buuxiso foomka codsiga (SL1) adiga oo ka buuxinaya dhammaanba waxyaabaha kor ku xusan. Waxaad foomka ku buuxin kartaa kuna soo gudbin kartaa si onleen ah. Marka aad sidaa samayso, waxaad islamarkaaba heli doontaa risiit elektoroonik ah kaasoo kuu caddaynaya inaad usoo gudbisay codsigii si onleen ah.

Waxaad sidoo kale daabacan kartaa foomka islamarkaana waxaad ku buuxin kartaa gacantaada. Haddii aad qaabkaan doorato, waxaad u baahanaysaa inaad ballan ka qabsato waaxda Adeegga Muwaadiniinta ee Hay’adda Socdaalka Denmark, waxaadna dooranaysaa goobta kuugu dhow.

Haddii aad haysato caruur ka yar da’da 18 sanno kuwaas oo sidoo kale aad jeceshahay inaad u codsato ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah, waa inaad macluumaadkooda kusoo dartaa isla foomka. Uma baahnid inaad u samayso codsi gaar ah caruurtaada haddii ay ka yaryihiin da’da 18 sanno.

Waxaan kugula talinaynaa inaad diyaarsato dukumiintiyada aad u baahantahay kahor inta aadan buuxin foomka. Tusaale ahaan, baasaboorkaaga ama dukumiintiyada kale ee aqoonsiga ah, baasaboorada ama dukumiintiyada kale ee aqoonsiga ah ee xubnaha qoyska, dukumiintiyadaada muuinaya in qoxooti lagaaga aqoonsaday Ukraine, iwm.

Go’aanka ah in la siiyo ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah muwaadiniinta Ukraine ee ku sugan Denmark iyo in loo soo saaro ogolaanshaha kumeelgaarka ah waxaa gaaraysa Hay’adda Socdaalka ee Denmark (DIS). Hay’adda Socdaalka ee Denmark waxay waraaq kuugu soo diri doontaa ciwaanka aad siisay marka aad isdiiwaangaliso sida ugu dhakhsaha badan marka ay go’aan ka gaaraan codsigaaga. Hay’adda Socdaalka ee Denmark sidoo kale waa ay kula soo xiriiri doontaa haddii ay kaaga baahato macluumaad dheeraad ah.

Hay’adda Socdaalka ee Denmark waxay isku dayaysaa inaad go’aan gaarto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan. Kuma siin karto wakhti cayiman oo go’aanka lagu gaarayo sababtoo ah waxaa soo gaaraya codsiyo tira badan. Waxay ku xirnaan doontaa inay haystaan dhammaanba macluumaadkii ay kaaga baahnaayeen ama ay kaaga baahdaan macluumaad dheeraad ah.

Macluumaadka, xaquuqaha iyo waajibaadka loogu tala galay Magangalyada Kumeelgaarka ah ee dadka ka imaanaya Ukraine imaanayana Denmark

  • Haddii Denmark lagaa siiyo ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah, waxaad ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan xaquuqahaaga iyo waajibaadkaaga websaytka Hay’adda Socdaalka ee Denmark, kaasoo aad ku heli karto luuqadaha Ukrainian, Ingiriisi iyo Danish. Ogolaanshahaan degenaanshaha kumeelgaarka ah wuxuu shaqaynayaa ilaa 17 Maarso 2024.
  • Ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan joogistaada Denmark, halka aad ku noolaan karto, ka shaqayn karto gudaha Denmark, iyo daryeelka caafimaadka, websaytka Hay’adda Socdaalka Denmark, kaasoo aad ku heli karto luuqadda Ingiriisiga.
  • Ka akhri macluumaad intaan dheer oo ku saabsan ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah, magangalyada iyo isdhexgalka bulshada ee loogu tala galay dadka reer Ukraine ee Denmark ku sugan, iyo sidoo kale xiriirada muhiimka ah websaytka qaybaha nala shaqeeya, Golaha Qoxootida Denmark, oo lagu heli karo Ingiriisi, Ukrainian iyo af Ruush. Golaha Qoxootiga ee Denmark waxay sidoo kale furtay lambar gaaban oo loogu tala galay muwaadiniinta reer Ukraine ee Denmark ee aad a xiriiri karto adiga oo garaacaya 📞 +45 3373 5151 (Isniinta ilaa Jimcaha, 9.00-12.00).
  • Haddii aad hadda ku sugan tahay Denmark aadna ka timid Ukrain, dib ayaad ula midoobi kartaa qoyskaaga. Waxaad macluumaadka iyo hagitaanka ka heli kartaa barta onleenka ah ee hay’adda socdaalka Denmark, taasoo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga, Ukrainian iyo Danish

Dadka aan xaqa u lahayn Magangalyada Kumeelgaarka ah ee Wadarta ah gudaha inay ka helaan Denmark

Haddii Denmark lagaaga diidi ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah, waxaad macluumaad ku saabsan talaabooyinka xiga ee aad qaadi karto ka heli kartaa websaytka Hay’adda Socdaalka Denmark, kaasoo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga, Ukrainian iyo Danish. Waxaad halkaas ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sida racfaanka looga qaato go’aanka aan kuu wanaagsanayn, haddii aad codsan karto noocyada kale ee ogolaanshaha degenaanshaha ama magangalyada iyo in kale, iwm.

Haddii aadan xaq u lahayn inaad ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah ka hesho Denmark, waxaa kuu furan inaad codsato magangalyo ama aad Denmark kusii sugnaato adiga oo raacaya nidaamyada kale.


Macluumaadka la xiriira

 

<< Ku noqo bogga hore ee Caawinta Denmark
>> Dooro wadan kale bogga hore ee Caawinta