Talaabada 1-aad– Isdiiwaangalinta
Markaad codsato magangelyo, sarkaal ka tirsan Adeegga Socdaalka ee Denmark (Danish Immigration Service) ayaa diiwaangelin doona codsigaaga wuxuuna qiimayn doonaa waddanka mas’uulka ka ah ka shaqaynta codsigaaga magangelyo, iyadoo la raacayo nidaamka Dublin. Ka dib marka codsigaaga la diiwaangeliyo, waxaad heli doontaa kaarka aqoonsiga (ID card) oo caddeynaya inaad codsatay magangelyo. Ka hay dukumentiyadan meel ammaan ah oo mar walba nuqul la soco.
Ka dib marka codsigaaga la diiwaangeliyo, waxaad yeelan doontaa xaaladda codsade magangelyo ilaa go’aan kama dambeys ah laga gaaro. Adeegga Socdaalka ee Denmark ayaa kula soo xiriiri doona si aad u buuxiso foom sharaxaya sababta aad u codsanayso magangelyo. Haddii aadan akhriyi karin ama qori karin, laguma khasbi doono inaad buuxiso foomkan.
Intaas kaddib, Adeegga Socdaalka ayaa kugu casuumi doona wareysi xog ururin iyo dhiirrigelin ah (ogow in tani ay ka duwan tahay wareysiga magangelyada rasmiga ah ee dhici doona mustaqbalka dhow). Wareysigan gaaban ayaa loo adeegsadaa in lagu fahmo sababaha aasaasiga ah ee aad u codsanayso magangelyo Denmark iyo in la go’aamiyo haddii codsigaaga lagu maamuli doono Denmark ama waddan kale oo Yurub ah. Habkani waxaa loo yaqaannaa nidaamka Dublin.
Talaabada 2-aad – Wareysiga
Haddii Denmark ay mas’uul ka noqoto ka shaqaynta codsigaaga, Adeegga Socdaalka ayaa kugu casuumi doona wareysi magangelyo, halkaas oo aad fursad ku heli doonto inaad si faahfaahsan u sharaxdo sababaha aad magangelyo uga dooneyso Denmark. Wareysigan waa tallaabo aad muhiim u ah oo ka mid ah nidaamka magangelyada. Inta lagu jiro wareysiga, waxaad heli doontaa fursad aad ku bixiso dhammaan macluumaadka iyo dukumentiyada taageeraya codsigaaga. Waa muhiim inaad si buuxda u sheegto wixii kugu dhacay iyo waxa aad ka baqeyso haddii lagu celiyo waddankaaga hooyo.
- Waxaad ka heli kartaa talooyin waxtar leh oo ku saabsan sida loo diyaariyo wareysiga magangelyada bogga ururka aan la shaqeyno, Golaha Qaxootiga ee Denmark (DRC), oo laga heli karo af Ingiriis iyo af Danish.
Haddii aad u baahan tahay tarjumaan mar kasta inta lagu jiro geeddi-socodka magangelyada, dowladdu waa inay kuu diyaarisaa mid. Turjubaan-ku wuxuu noqon karaa qof goobta jooga ama mid la soo waco si uu telefoonka uga turjumo.
Dhammaan macluumaadka aad bixiso (dukumentiyada, diiwaanada wareysiga iwm.) lama wadaagi doonaan dowladaha Denmark ee waddankaaga hooyo ama cid kale.
Waxaan ahay qof ka yar da’da 18 sanno cidina ilama socoto
Haddii ilmo ka yar 18 jir uu kaligiis ku yimaado Denmark oo uu codsado magangelyo, waxaa loo yaqaan qof yar oo aan lala socon. Carruurtaas waxay leeyihiin xuquuq gaar ah:
- Codsiga magangalyada ee canugga waa in Hay’adda Socdaalka Denmark ay u diyaarisaa sida ugu dhakhsaha badan.
- Canugga waxaa loo dhiibi doonaa qof sharcigu mas’uul uga dhigay si uu u ilaaliyo maslaxadaha canugga.
- Canugu wuxuu xaq u yeelanayaa inuu helo kaalmo sharci oo dhammaystiran.
- Canugga waxaa la gaynayaa xarun magangalyo oo si khaas ah loogu tala galay caruurta kaligood ah.
Si aad u hesho sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan habka magangelyada ee Denmark, booqo bogga Golaha Qaxootiga ee Denmark (DRC) oo laga heli karo af Ingiriis iyo af Danish.
Sidoo kale, waxaad ka heli kartaa buug-yare xog ah oo Ingiriis ah oo ku saabsan nidaamka magangelyada ee Denmark bogga Golaha Qaxootiga ee Denmark.