Hay’adda Socdaalka Denmark waxay waraaq kuugu soo diri doontaa ciwaanka aad siiso si ay kuugu soo sheegto go’aanka laga gaaray kiiskaaga. Haddii aad qareen haysato, waraaqda waxaa loo dirayaa qareenkaaga.
Afar natiijo ayaa kasoo bixi karta nidaamka magangalyada:
- In lagu siiyo aqoonsi qoxootinio laguna siiyo ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah oo 2 sanno ku eg, kaasoo lagu kordhin karo mudo 2 sanno ah.
- In lagu siiyo aqoonso magangalyo oo aan dhammaystirnayn laguna siiyo ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah oo muddo 1 sanno ah, kaasoo lagu kordhin karo muddo 2 sanno ah.
- In lagu siiyo aqoonsiga magangalyo oo kumeelgaar ah laguna siiyo ogolaanshaha degenaanshaha kumeelgaarka ah kaasoo 1 sanno ah, laguna kordhin karo muddo 1 sanno ah.
- In codsigaaga magangalyada caalamiga ah lagaa diido.
➡️Haddii magangalyo lagu siiyo (aqoonsi sharci, aqoonsi magangalyo, ama aqoonsiga magangalyada kumeelgaarka ah), waraaqda kaaga imaanaysa Hay’adda Socdaalka Denmark waxaa kujiraysa tafaasiisha xaquuqahaaga iyo waajibaadka lagaa rabo, taasoo ay ku xirantahay aqoonsiga lagu siiyay. Farqiga ugu weyn ee u dhexeeyaa waa inta ay le egtahay muddada ogolaanshaha degenaanshaha lagu siiyay.
➡️Haddii codsigaaga magangalyada la diido, waxaad heli doontaa go’aanka oo ku qoran waraaqda oo ay la socdaan sababaha codsigaaga magangalyada loo diiday. Kiiska wuxuu isla markiiba racfaan ahaan oogu tagayaa Guddiga Racfaanka Qoxootiga ee Denmark, sidaa darteed lagaagama baahna inaad adigu racfaan diyaarsato.