Fadlan ogsoonow in lagaa rabo inaad ku sugantahay dhulka Denmark, ama bar laga galo (garoon diyaaradeed, barta hubinta xadka dhulka ah ama badda) kahor inta aadan magangalyo ka codsan Denmark. Uma baahnid inaad haysato ogolanshaha degenaanshaha si aad magangalyo u codsato.
Haddii aad ka baqayso in aad ku laabato dalkaagii hooyo ama dalkii aad ku noolayd hadda ayada oo ay sabab u tahay cabsi dhab ah oo ku saabsan in laguugu xadgudbo, xukun laguugu rido, dagaal ama inaad kahatar ugu jirto in dhibaato weyn kaasoo gaarto dalkaas, waxaad magangalyo ka codsan kartaa Denmark. Tallaabada ugu horeysa ee aad ku heli karto magangalyo caalami ah waa inaad magangalyo codsato.
Si aad u hesho sharraxaad faahfaahsan oo ku saabsan nidaamka bixinta magangalyada ee Denmark ulana soodagto buugga macluumaadka nidaamka magangalyada, booqo websaytka Hay’adda Qoxootiga Denmark, kaasoo ku diyaarsan Ingiriisi iyo Danish.