Haddii magangalyo lagaa siiyo Denmark, aadna kala fogaateen qoyskaagii,waxaad codsan kartaa inaad dib ula midowdo qoyskaaga si qoyskaagu kuugu yimaadaan Denmark, ayada oo la raacayo shuruudo gaar ah.
Gudaha Denmark, UNHCR waxay saraakiisha qaranka ka caawisaa meelmarinta waajibaadkooda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Yurub. UNHCR qayb kama ahan nidaamka dib u midoobista qoyska gudaha Denmark. Nidaamku marka Denmark la joogo waa mas’uuliyadda Hay’adda socdaalka Denmark ayada oo ka hoos shaqaynaysa Wasaaradda Socdaalka iyo Iskudhafka bulshada ee Denmark.