Dhammaanba macluumaadka iyo adeegyada ay bixiso UNHCR iyo saaxiibadeenu waa u LACAG LA’AAN dadka haysta magangalyada kumeelgaarka ah, magangalyo doonka ah, Qoxootiga, kuwa haysta magangalyada aan buuxin iyo shakhsiyaadka aan dalka lahayn.
UNHCR waxay ka shaqaysaa ilaalinta iyo caawinta sidii ay mustaqbal wanaagsan u heli lahaayeen dadka haysta magangalyada kumeelgaarka ah, magangalyo doonka, Qoxootiga iyo dadka khatarta ugu jira inay bilaa dal ku noqdaan dunida oo dhan.
Gudaha Denmark, UNHCR waxay ka taageertaa hay’adaha inay fuliyaan waajibaadkooda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Yurub. UNHCR qayb kama ahan nidaamka magangalyada ee Denmark. Nidaamka magangalyada Denmark waa mas’uuliyadda Hay’adda Socdaalka Denmark ayada oo ka hoos shaqaynaysa Wasaaradda Socdaalka iyo Isdhexgalka Bulshada.
UNHCR ta Denmark waxay qayb ka tahay Wakiilka UNHCR ee dalalka Nordic iyo Baltic, ayada oo xarun ku leh Stockholm (Sweden).
Nala soo xiriir
Haddii aadan helin macluumaad aad ka raadinaysay websaytka ‘HELP’, fadlan waad u fasaxan tahay inaad nagala soo xiriirto teleefoonka ama iimaylka:
Teleefoonka: 📞 +46 10 10 12 800 (Maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha, 10.00-12.00 xiliga Stockholm)
Iimayl: 📧 [email protected]
Haddii aadan midkoodna ku hadli karin Ingiriisi ama Danish:
Inkasta oo aan ka jawaabi karno kaliya wicitaanada Ingiriisiga ama Danish ka ah, waxaad noo soo diri kartaa iimayl ku qoran luuqadda aad doorbidayso adiga oo sharaxaya xaaladdaada, waana kuusoo jawaabi doonnaa. Jawaab celinteenu waxay, inta badan, waxay noqon karaan luuqadda Ingiriisiga, laakiin waxaan kugu dhiirigalinaynaa inaad isticmaasho Google Translate haddii aad ku dhibantahay wax fahmidda ama inaad noo soo dirto iimayl kale adiga oo naga codsanaya tafaasiil.